Wafdigii Golaha Sare ee JWXO ee socdaalka ku marayey North America oo la kulmay Saraakiil ka tirsan wasaarada Arimha ee Maraykanka

Posted on Jun 15 2009 - 11:47pm by News Desk
Tweet
Pin It

1582Waftigii Golaha Sare ee JWXO ee socdaalka ku marayey North America ayaa ilaa maalintii Jimcaha 12/06/2009 ku sugnaa caasimada wadanka Maraykanka ee Washington-DC. Waftida oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Eng.Saalaxdiin Cabdiraxmaan Macoow ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Bulshada iyo Jaaliyaadka Col;Cabdiwali Xuseen Gaas.

157-copyWaftiga ayaa intii ay joogeen Washinton DC waxay shirar kala duduwan la yeesheen qeybaha kala duduwan ee dowlada Maraykanka. Waxayna maalintiin talaadada ahayd la kulmeen David Shinn oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey Adis Ababba AMB David Shin. Amb. David H. Shinn

An adjunct professor of international affairs at The George Washington University’s Elliott School of International Affairs, Amb. Shinn, who received his B.A., M.A., and Ph.D. from GW, is a former U.S. ambassador to Ethiopia (1996-99) and to Burkina Faso (1987-90). His full bio is available here and his CV appears here (in Microsoft Word format).

AMB David Shinn oo hadana ah khariir kala taliya dowlada Maraykanka arimaha Afrika ayaa waftiga u qaabilay si wanaagsan wakhti dheerna siiyey oo ka dhagaystay warbixin taabatay dhinacwalba arimaha Qadiyada Ogaadeenya. Dhiniciisana David Shinn ugudbiyey masuuliyiinta GS-ONLF waxa ay la tahay in looqaban karo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo ururkooda ONLF.
157-copy1

Waftiga Golaha Sare ee ONLF ayaa maalintii Khamiista ahayd waxay kulamo saacado badan qaatay la yeesheen qaar kamida masuuliyiinta Wasaarada arimaha Dibada ee Maraykan qeybta East African desk iyo State Department Diplomatic Enttrance Mr Tom Ofcan Sky kuwaa soo ay waftigu warbixin balaadhan ka siiyeen Xaalada xun ee ay maanta ku sugan yihiin shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo siyaasada Gumaysiga Itoobiya ku wajahay shacabkaas sida: Cunaqabataynta Maciishada iyo Ganacsiga, xasuuqa shacabka, kufsiga Dumarka iyo Xabsiga dadka rayadka ah ee aan waxba galabsanin. Waftida ayaa laweydiiyey suaalo badan oo ku saabsan xalka kamadambaysta ah ee qadiyada Soomaalida Ogaadeenya, xaalada Geeska Africa iyo aragtida golaha Sare ee ku aadan mandaqadaas iyo waxa xudunta u ah khilaafka ONLF iyo weliba Dilkii allaha u naxariistee Dr. Maxamed Siraad Doolaal.

Sidookale waftiga Golaha Sare ee JWXO waxay dhinacooda ka dhagaysteen masuuliyiinta ay la kulmeen siyaasada maamulka cusub ee dowlada maraykanka ee ku wajahan Ogaadeenya, Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Geeska Afrika.

Gudoomiyaha Golaha Sare Eng: Saalaxdiin Cabdiraxmaan Macoow iyo Cabdiwali Xuseen Gaas oo aad looga xiisaynayey Washiton-DC ayaa markii Waraysigoodii iyo warbixintoodii lagu qancay waxaa loo balanqaaday in sida oogu dhakhsahabadan talaabo looga qaadidoono arimaha Ogaadeenya, loona raadindoono xal kama dambays ah.

Waftigu waxay sidoo kale shalay niskii dambe la kulmeen khabiirka Congress Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika. Masuulkaas oo aad iyo aad muhiim u ah markii congreesku ka go’aan qaadanayo arimaha Geeska Afrika ayaa masuuliyiinta GS-ONLF u xaqiijiyey in isbadal weyn lagu samaynayo siyaasada Maraykanka eek u aadan Ogaadeenya, Itoobiya iyo Geeska Afrika. Masuulkan ayaa warbixin iyo is waydaarsi fikir kadib wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey xalka Qadiyada shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Waftiga Golaha Sare ee ONLF ayaa qoraalo ku socda Wasiirada Arimaha Dibada ee Maraykanka Mrs Henery Clinton oogu dhiibay masuuliyiinta Arimaha dibada Maraykanka ee ay la kulmeen shalay, ku waa soo balanqaaday inay farta ka saarayaan waraaqahaas Wasiirada, ayna rajaynayaan inay ka soo jawaabidoonto mardhow.

Waftiga ayaa maanta oo Jamca ah u ambabaxay magaalada Sandiyeego ee wadanka Maraykanka oo ay kaga qeybgalayaan shir Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ay ku qabanayso magaaladaas.