Waaxda Ammaanka Wadooyinka ee Maamulka Kismaayo oo soo qabqabtay Gaadiid ay ku eedeeyen in ay ku xadgudbeen sharciyada wadooyinka

Posted on Jun 15 2009 - 11:18am by News Desk
Tweet
Pin It

Howlgalladan oo ay fuliyeen Ciidamada Taraafikada ee Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ku soo qabqabteen Gaadiid fara badan kuwaasi oo sida ay sheegeen Saraakiishii Maamulka ka dhaga adeygay, awaamiir dhawaanahan Maamulku ay u jeedinayeen Gaadidka ka dhex shaqeeya Magaalada Kismaayo iyo Nawaaxigeeda.

 

Waxaa la sheegay gaadiidkaasi lasoo qabqabtay in iminka ay ku xiranyihiin oo la dhigay Saldhigga boolis Magaalada Kismaayo, lana waafajin doono sida uu qabo sharciga, waa sida uu sheegay Sheekh Axmed Xasan (Tartiib) oo ah Madaxa Ciidamada Ammaanka Wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan.

 

Tartiib ayaa hadalkiisii waxa uu ku daray in ay sii balaarin doonaan howlgalladan ay ka fulinayaan gudaha Magaalaada Kismaayo, xilli ay sii badanayaa ayuu yiri Xadgudubyada ay sameynayaan Wadeyaasha Gaadiidka Shaqo iyo kuwa raaxo.

 

Gaadiidkaan oo isugu jiro kuwa sida tooska ah uga howlgala Magaalada Kismaayo iyo kuwa u safra Meelaha ku dhow dhow Kismaayo ayaa haatan waxaa la dhigay Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo waxayna Maamulku sheegeen in la tacsiirin doono wadeyaasha gawaaridaasi si sharciga waafaqsan, waa sida ay sheegeene.

 

Afaafka hore ee Xafiiska taraafikada ayaa marwaliba waxaa lagu arkaa Gaadiid tiro badan oo la sheego in ay ku xadgudbeen awaamiirta, waxayse ku soo beegmeysaa Xilli ay dhawaan Maamulku iclaamiyeen in ay u sameyn doonaan wadeyaasha gaadiidka Kaarar aqoonsi ah islamarkaasina dad badani waxay is weydinayaan sida uu xafiisku amuurtaasi u dhaqan galin doono.

 

 

Kala Soco Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.com

 

Kismayo-Somalia