Calendar

Ururka Suxufiyiinta G/Gedo Ee GUJA Oo Cambaareeyay Dilal Loo Gaysto Bahda Saxaafada Soomaaliya

balad-xaawoBartamaha(Muqdisho):-Kulankani oo ay yeesheen ururka saxafiyiinta gobolka gedo oo marka magaciisa la soo gaabiyo GUJA ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska ururka GUJA ee Deg. Balad-xawo.

Fadhigaasi oo ay joogeen xubnaha bahda saxaafada ee gobolka Gedo ayaa waxay kaga hadleen xaaladahii ugu danbeyey ee ay ku sugnayd saxaafada dalka soomaaliya iyo dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Marxuum Muqtaar Maxamed Hirabe agaasimihii Radio ga iyo tv-ga Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan 15 saxafi kuwaasi oo dhamaantood ka wada murugaysnaa falkii ugu dambeeyay ee lagu dilay Muqtaar Maxamed Hiraabe waxaana ugu horayn kulankaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka GUJA Maxamed Qani Xuseen Kuusow ,isagoo ugu horayn tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum wariye Muqtaar Maxamed Hiraabe

Gudoomiyaha ayaa falkaasi ku tilmaamay mid laga argagaxo isagoo shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in cid waliba ay iska xilsaarto ammaanka Suxufiyiinta oo uu tilmaamay in ay mudnaan gaar ah u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha ururka saxafiyinta G/Gedo ee GUJA Xasan Maxamuud Xalane oo sido kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan karin dhibaatada lagu hayo dadka u shaqaynaya bulshada soomaaliyeed waxa uuna uu ugu baaqay in ay dhinacyada isku haya siyaasada dalka ay badbaadiyaan Suxafiyiinta islamrkaana ay maxkamad soo taagaan dadka ku dhaqaaqa falalkaasi joogtada noqday.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ugu baaqay qaybaha warbahinta ee dalka somaliya in la sameeyo shaqo joojin rasmi ah islamrkaana ay qaataan go’aan midaysan oo looga hortagi karo dhibaatada lagu hayo saxafiyiinta Xasan Xalane oo markii arimahaasi uu ka hadlayey wajigiisa laga dheehanayey sida u uga danqanayo dhibaatada lagu hayo saxafiyiinta ayaa sheegay in ay soomaaliya noqotay meel halaqyo galeen ah wariyaashuna ay u joogaan in la dilo oo kaliya

Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa waxaa uu imaanayaa xili ay malmo ka hor lagu dilay magaalada muqdisho allaha u naxariistee agaasimiihii telefishinka iyo radio shabelle ee magaalada Muqdisho Marxuum Muqtaar Maxamed Hiraabe ayagoona saxafiintu ay alle uga baryeen marxuumkaasi in uu jani fardawso geeyo sidoo kalena uu caafimaad siiyo wariyihii asaguna ku dhaawacmay falkaasi dilka ahaa Axmed Cumar Xaashi (Axmed taajir) oo haatan ku Jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Cibaar Diiriye

Baledxaawo-Somalia

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: