Calendar

Ururka SOMPED Oo Cambaareeyay Qaraxii Lala Eegtay Wasiirka Warfaafinta Puntland.

SOMPED-LOGOUrurka SOMPED Oo Cambaareeyay Qaraxii Lala Eegtay Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Ku:- Dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed – Dal & Dibad.

Ku:- Dhamaan Soomaalida Jecel Samaha iyo Wanaaga Dal & Dibad.

Ujeedo:- Cambaareyn Qaraxii Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Alle “SWT” ayaa mahad iska leh, kaasi oo si dhab ah u suurta geliyay in aynu Aduunkan baaxada weyn si nabad gelyo leh ugu noolaano, isla markaana u wadaagno fikradaheena xorta ah.

Ururka SOMPED waxaa uu cambaareynayaa weerarkii qaraxa ahaa ee taariikhdu markii ay ahayd 15/10/2010 bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagula eegtay Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane C/xakiim Axmed Guuleed.

Ururka isaga oo ku hadlaya magaca iyo kalsoonida dadka Soomaaliyeed waxaa uu mar labaad iyo sadexaadba cambaareynayaa qaraxii lala eegtay Wasiirka Warfaafinta Puntland isla markaana waxaa uu Alle “SWT” ka baryayaa in uu caafimaad kaamil ah siiyo dhamaan intii dhaawacu ka soo gaarey qaraxa oo ay ku jiraan Wasiirka iyo ilaaladiisa, kuwaasi oo dhaawac fudud uu qaraxu ka soo gaarey, haatanse ay ka kabsadeen.

SOMPED wuxuu qaraxani ku eedeyneyaa in ay ka dambeeyaan dadka ka soo horjeeda ee diidan hadalka xorta ah iyo horumarka warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan tan ka jirta mandiqada Puntland, waxaana Ururku dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ka soo horjeestaan kuwa wata danaha shisheeye.

Ururka SOMPED waxuu shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad gaarsiinayaa si xor ah qeylo dhaanta uu ku cambaareynayo isla markaana uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeeda weerarkii qaraxa ahaa ee lagu bartilmaameedsaday Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha SOMPED
Faarax Axmed Caato
(614) 209-4589
[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: