UNESCO oo dalbatay in Baaritaan lagu sameeyo Dilalka Suxufiyiinta loo geysto
Xarunta Ururka Dhaqanka iyo Cilmiga ee Qaramada Midoobay ee Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNESCO ayaa Sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin Tacadiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta ka howlagala Soomaaliya, loona Baahanyahy in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo dadka saxafiyiinta Soomaaliyeed Bartilmaameedsado.
Madaxa , ayaa sheegatay in golauhu si Xoogan u Canbaaraynayaa dilkii foosha Xumaa ee loo gaystay Injineer Axmad Shariif oo kahowlgalayay Radio Muqdisho,kaasoo kooxa Hubaysan ay dhawaan Muqdisho ku dileen.
Axmad Sharif ayaa waxa uu noqonayaa Wariyihii Shanaad ee Sanadkaan Soomaaliya lagu dilo.
Bokova ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in la dhowra Xoriyada Hadalka lana ilaaliyo Xuquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Waxa ayna ka dalbadeen dowlada Soomaaliya in la horkeeno Cadaalada dadkii ka danbeeya dilalka Saxafiyiinta.
Soomaaliya ayaa waxa ay kamid tahay 10 Wadan ee aad loogu dhibaateeyo Saxafiyiinta.
Comments
comments