Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalka saaka ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa si xoogan isku badalay iyadoo Ciidamada Amisom ay si toos ah ugu soo biireen dagaalka caasimada ka qarxay.
Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay saaka ay kun so biireen dagaalada Muqdisho iyadoo la arkayay Taangiyada Ciidamadaasi oo duqeyn ba’an u geysanaya xaafo ka mida goobaha ay ku suganyihiin Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Dagaal faraha looga gubtay ayaa waxa uu ka socanayaa Degmooyinka Kaaraan,shibsi iyo Boondheere iyadoo la xaqiijiyay in Ciidamada dowlada ay hormar ka gaareen dagaalada dhanka Kaaraan iyo C/Casiis ka dhacay kuwaasi oo ay la galeen Ciidamada Alshabaab oo halkaasi maalmahan ka dagaal galayay.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Taangiyada Amisom ay sidoo kale joogaan Xilligan Deegaanka Beexaani iyo dhanka Kaaraan qeybo ka mida kuwaasi oo dagaalo ku sii wada Ciidamada Islaamiyiinta oo haatan dagaalka looga sii guuleysanayo wallow aan la ogayn in ay dagaalkaasi wax iska badali doono.
Madaafiicda inta badan dagaalka maanta uu isku badalay ayaa la sheegayaa in ay ku dheceen xaafo ka baxsan goobaha Dagaalka Sida Deegaanka Jamhuuriya,Fagax,Arjantiin iyo Deegaano kale.
Illaa haatan lama ogaan karo qasaaraha ka dhasha dagaalka Maanta ka socda qeybo ka mida woqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo daqiiqad waliba xaalada Dagaalada ay u muuqato mid isbadalaysa.
Wixii Warar ah Eek u soo kordha dagaalada qaraar ee maanta ka socda Muqdisho kala soco:
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia