Suxufiyad Kanadiyaan ah Muddana Afduub loogu haystay Muqdisho oo la xaqiijiyay in ay dhashay Wiil Soomaliyeed.

Posted on Jul 22 2009 - 5:23pm by News Desk
Tweet
Pin It

lamandBartamaha(Muqdisho):-Mrs.Amanda Lindhout  oo ah suxufiyad u dhalatay wadanka Canada oo in ka badan Muddo Sanad ah ku jirtay gacanta Kooxaho Afduubayaal Soomaalida ah ayaa la xaqiijiyay in bilowgii Todobaadkan ku dhashay Muqdishi Wiil Soomaaliyeed.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaraya Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Maalintii Sabtida ahayd Ee Todobaadkan Xaafad ka mida Goobaha nabdoon Ee Muqdisho ay ku dhashay Amanda Lindhout  oo ahayd Sawir qaade iyo Suxufiyad Canadian ah.

Warka ayaa sheegaya in Mrs.Amanda ay dhashay wiil Soomaali ah isla mar’ahaanataana uu xilli sii horeysay uu uurkaasi sheegtay mid ka mida Afduubayaasha oo si rasmi ah ay ugu mehriyeen qaar ka mida asxaabtiisa ka dib markii la sheegay in ay Islaamtay.

Mrs.Amanda Lindhout  ayaa warka Xaqiiqda u dhow Ee Soo gaaray Xafiiska Bartamaha lagu sheegay in ay ku umushay Xaafad Muqdisho ka mida iyadoo la xaqiijiyay in Wiil ay dhashay uu lahaa midabka Soomaalida islamar’ahaanataana uu ninka lahaa uurkaasi oo xilli hore cadeystay qaar ka mida asxaabtiisana ay ugu hiiliyeen uu xiligaasi joogay sida warku sheegayo.

Gabdhan lagu magacaabo Mrs.Amanda Lindhout  ayaa la afduubtay Bishii August Sanadii 2008 xiligaasi oo iyada wiil Kaamiriista ah oo ay wada socdeen laga afduubtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye .

Gabdhan Kanadiyaanka ah iyo wiilka lala afduubtay ayaa horey Kooxaha haystay waxa ay Saxaafada u soo bandhigeen in ay ka doonayaan lacago madax furasha ah.

Dhacdadan ayaa ahayd mid aad loola yaabo ka dib markii warkan uu so gaaro Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho iyadoo xilli hore la sheegayay in ay Uurqaaday gabadhaasi wallow ay ku kala qeybsameen sababta keentay Kooxaha afduubayaasha iyadoo gadaal laga sheegay in qaar ka mida afduubayaasha ay gabadhaasi ku sheegeen in ay islaamtay isla markaana ay wiil ka mida ku darsadeen taasi oo horey muran ka dhexdhalisay afduubayaasha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.