Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Yuusuf M.Siyaad Indhacade oo khudbad u jeedinayay Ciidamada Badda Dowlada Fd soomaaliya ee dhawaan la taba-barayay ayaa u sheegay Ciidamadaasi in ay yihiin kuwa u shaqeeya Dowlada Islaami ah isla mar’ahaantaana aanay dhiigooda banaanayn.
Indha Cadde ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay tahay Mid Islaami ah xiliganna aan loo baahnayn dagaal dhiig uu ku daato kaasi oo uu sheegay in Culimada ay ka digeen sidaasina lo baahanyahay in laga dheeraado dhiiga Xalaasha ah ee Ciidamada iyo Masuuliyiinta Dowlada Islaamiga ah.
Sheekh Yuusuf Indha cadde “anagu dad Muslimiin ah ayaa nahay dowlada Madaxweyne shariifna waxa ay qaadatay oo aan ku soo raacnay diinta Islaamka waxaase wax lala yaaba ah dadka laga soo dhadhicinayo in aan nahay Gaalo dhiigeedo la daadin karo,waa wax laga dheeraado in Dhiigeena la xalaashado waxaana nahay dad xaq u dirir ah ee haka istaagaan dadka loo sheegayo in aan gaalo nahayâ€
Indha cadde ayaa wacad ku maray in ay iska difaaci doonaan ragga ay Alshabaab ugu horeeyaan kuwaasi oo uu ku tilmaamay dad diyaar u ah marwalba in ay ciddii keferkooda ka hortimaada ay dilaan taasi oo uu sheegay in horay diinta Islaamka u sheegtay kooxdaasi.
Hadalka ka soo baxay Sargaalkaasi siyaasadaha badan ee Dowlada Fd soomaaliya haatan ku biiray ayaa imaanaya xilli dhawaanahan la hadal haayay in uu wado qorshayaal uu kula dagaalamayo Ciidamada Kooxda Alshabaab eek u sugan Gobolka uu markiisii hore haystay Ee Sh /Hoose.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartamah.Com,
Muqdisho-Somalia.