Shirkii Bandhiga iyo wax soo saarka Somaliya oo DUBAI lagusoo gabagabeeyay (sawirro)
DUBAI - Maanta ayaa lasoo gabagabeeyay Shirweyne ay Soomalidu kusoo Bandhigaysay wax soo saarka dalka iyo maalgashiga, kaasi oo kasocday muddo saddex maalin ah dalka Imaaradka carabta.
Shirka ayaa waxaa kaqaybgalay Ganacsato Soomali iyo Ajaaniib isugu jirta, waxaana laga casharo kabixinayay khubaro ku xeeldheer habka loo hormarin karo Gancsiga iyo Maalgashiga Caalamka.
Mr. Luga oo ah madaxa Hay’adda FAO ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaliyeed ay ka taageeri doonaan sidii ay uhorumarin lahayeen wax soo saarka dalkooda, gaar ahaana miraha kasoo go,a Somaliya.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaliya Cabdi Abshir Dheere ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in la maalgashado soomaliya, isagoona cadeeyay in ganacsatada Soomaliyeed ay doowr wacan kaqaateen sidii la isugu xiri lahaa ganacsiga somaliya iyo Caalamka.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagusoo bandhigay wax soo saarka dalka gaar ahaana khayradka uu alle ku manaystay dalka Soomaliya, iyadoona ay aad ula dhaceen khayraadka Soomaliya Ajaaniibtii ka qaybgashay Shirka.
Comments
comments