Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Muuse caraale oo hambalyeeyay Dilkii Wasiir Cumar Xaashi Adan.
Bartamaha — Hoggaamiyaal katirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa hambalyeeyay dilkii Cumar Xaashi Adan Wasiirkii amaanka dowladda Somalia.
Shiikh Xasan Daahir Aweys gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegaya in uu ka xunyahay in Somali qarax isku disho balse isagu uu taageersanyahay in ladilo cid kasta oo la shaqaysa Itoobiya.
Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Shiikh Muuse Caraale oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay dilka Cumar Xaashi balse aysan iyagu wax lug ah ku lahayn.
Muuse Caraale wuxuu sheegay in Weerarkii Beledweyne ka dhacay uu ahaa mid lagu wiiqay wax uu ugu yeeray “gaalo raacyo†dad badan ayaa layaabay sababta ay dad Mas’uuliyiin ah u cadaysteen dilka mas’uul kale oo Somali ah.
Shiikh Xasan Daahir oo saaka Warbaahinta Muqdisho lahadlay ayaa waajib diini ah ku tilmaamay isqarxinta †diini ahaan waa banaantahay in laysku qarxiyo kuwa cadawga ah iyo kuwa la shaqeeyo, laakin waxaan ka xunahay in cadowgu uu qadiyada Somalia gaarsiiyo isqarxin†ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.
Mas’uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin dilalka madaxda dowladda oo ay siyaasada isku hayaan.
Bartamaha wararka Soomaaliyeed
Comments
comments