Sheekh Xasan Daahir Awesy oo shaaca ka qaaday in ay dhawaan midoobayaan Xarakada Alshabaab iyo Ururka Xizbul Islaam .

Posted on Jul 24 2009 - 5:22pm by News Desk
Tweet
Pin It

xasan daahirBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Ururka Xizbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta xilli uu ka hadlay Masjidka Abuu-Hureyra Ee Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal ay magac qura ku qaadanayaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Ururka Xizbul Islaam.

Sheekh Xasan ayaa dhammaan dadkii maanta ku soo dukaday Salaada Jimcaha Masjidka Abuu-Hureyra Ee Muqdisho kala hadlay arimaha dagaalada ka socda dalka iyo ujeedooyinka Ciidamada Shisheeyaha ah iyo Dowlada Fd Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xizbul Islaam ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan mideynta Xoogaga Xarakada Alshabaab iyo Kuwa Xizbul Islaam oo uu tilmaamay in ay ka wada dagaalamaan hal gud midniamdoodana ay muhiim tahay.

 “waxaan rajaynaynaa in dhawaan ay midnimo dhacdo oo magac qura aan yeelano anaga iyo Walaalaheen Xarada Mujaahidiinta Alshabaab,qorshahaasina waa uu socdaa,mar walibana waa ay mideysan yihiin ooh al god ayay aaga ka wada galaan ,waana wallaalo fekradaha intooda badan ka mideysan”ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Wadaadka Gudoomiyaha u ah Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan islamar’ahaanataana ay u dul-qaataan dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho isagoo si kulul u beeniyay in ay ka dagaal galaan goobaha ay shacabka ku badanyihiin.

Hadalkan ka soo baxay Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa imaanaya xilli dhawaanahan ay socxdeen qorshayaal ay ku midoobayaan Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo haatan dagaalo kulul kula wada jira Dowlada Fd Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.