Sheekh Shariif Sheekh Axmed ” Guulo ayaa ka gaaranay Dagaladii ka dhacay Mugadisho laakin uma dhicin sidii aan filaynay”
Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in wax badan ka dhimanyahay Dagaaladii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la galeen Al Shabaab islamarkaana uusan ku qancin qaabkii ay Dagaaladaasi ugu hortageen Kooxda Alshabaab.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa qiray inay guulo ka gaarayn Dagaaladii ay la beegsadeen Kooxda kasoo horjeeda Dowladda laakiin aysan u haleelin sidii uu ka filayay Ciidmadiisa iyo kuwa Amisom oo garab taagnaa Ciidmada Dowaldda Soomaaliya.
“Guulo la taaban karo ayaa ka gaarnay Dagaaladii aan la galnay Kooxaha diidan Dowaldda, dhabtii Ciidmada AMISOM iyo kuwa Dowaldda wee dadaaleen laakin dagaaladaasi uma dhicin sidii aan qiyaaseenay, Wax yar ayaa ka haray waqtigii aan la wareegi lahayen Goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab, ayaa laga soo xigtay Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Madaxwayne Shariif ayaa ugu baaqay Madaxda sare Ee Dowladda inay booqdaan Xarumaha Furunta hore Ee dagaalada ka socdaan si ay dhiira galin buuxda u helaan Ciidmada Dowladda waxuuna hadalkaan ka jeediyaya Madxwaynaha mid ka mid ah ah Idaacadaha Mugadisho.
Si kastaba hadalada Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli Dagaalo culus dhaxmaraya Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo Kooxaha ALshabaab waxaana dagaaladaan intbadan qasaaro lixaad leh kasoo gaaray Shacabka aan waxba galabsan.
Xafiiska Nairobi
Bartamaha
Comments
comments