Sheekh Maxmed Camey oo ahaa Gudoomiyaha Garabka Xizbul Islaam ee dowlada ku biiraya oo shaaca ka qaaday in ay jagooyin ka filayaan Dowlada.
Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Maxamed Xasan Cameey oo ah gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ee dowlada la heshiisay ayaa sheegay in ay dhawaan filayaan in jagooyin sare laga siiyo dowlada Madaxweyne shariif taasi oo uu sheegay in ay ku heshiiyeen arintaasi
Sheekh Maxmed Camey ayaa tilmaamay in ay jiraan Madax sarsare oo kooxdooda ka mida oo haatan la rajaynayo in ay jagooyin ka qabtaan dowlada Fd Soomaaliya isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin marwaliba in ay difaacaan dowlada ay madaxda ka noqonayaan kooxdooda.
Wadaadkaasi ayaa ahaa madaxii Xizbul Islaam garabka uu ku jiray Yuusuf Indha cadde iyadoo haatan ay ku biireen dowlada Fd soomaaliya isla mar’ahaantaana ay ciidamadooda ay ka barbar dagaalamaan kuwa dowlada Fd soomaaliya.
Hadalkan uu jeediyay Madaxa kooxda Xizbul Islaam ee Garabka Dowlada raacay ayaa ku soo aada xiili hadalhaynta dadka reer Muqdisho ay ahayd xil loo magacaabay Yuusuf Indhac Cadde kaasi oo ahaa Qunsulka Soomaaliya u fadhinaya wadanka Imaaraadka Carabka wallow arintaasi la siku hayay in badan aqbalideeda.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments