Sheekh C/Qaadir Cali Cumar Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Fd Somaaliya oo xabsi guri ku jira iyo General Francis Okello oo Shalay isagoo maxbus ah laga duuliyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Posted on Jul 8 2009 - 4:24am by News Desk
Tweet
Pin It

labada1Bartamaha(Muqdisho):-Taliyihi Ciidamada AMISOM General Francis Okello oo maxbuus ah ayaa laga dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kale oo xarunta madaxtooyada xabsi guri ahaan loogu hayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Somalia Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Sida ay Xafiiska Wararka Warbaahinta www.Bartamaha.Com u xaqiijiyeen qaar ka mida saraakiisha Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya waxaa shalay magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Taliyihii Ciidamada AMISOM Gen.Francis Okello isagoo maxbuus ah ka dib markii shalay xilkiisii uu waayay ka dib wareegta dag-dag ah uu soo saaray madaxweyne Mosaveni.

Saraakiisha u sir-baxday Warbaahinta Bartamaha ayaa waxa ay sheegeen in xabsi guri lagu hayo wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Fd Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasi oo tuhun xoogani uu soo galay markii uu xilkiisa ku waayay taliyihi Ciidamada Amisom.

Xil ka qaadista Taliyihii Ciidamada Amisom ayaa la sheegay ka dib markii uu bixiyay Hub aad u fara badan kuwaasi oo dhammaantood u gacan galay Xoogaga Xizbul islaam ka dib markii sixiixa Hubkaasi lagu soo qaadayay uu lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha C/Qaadir Cali Cumar .

Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa la xaqiijiyay in uu tuhunkaasi loo soo gudbiyay ka dibna ay Ciidamada Booliiska dabagal ku sameeyeen isla mar’ahaantaana la ogaaday in hubkaasi loo gacan galiyay Kooxda Xizbul Islaam taasi oo muran ka dhex dhalisay saraakiisha Dowlada,kuwa Amisom iyo Wasiirka Arimaha Gudaha.

Sirtan fashilantay ayaa saraakiisha u sheegtay Warbaahinta Wararka Bartamaha Soomaaliyeed waxa ay intaasi ku dareen in muranka oo bilowday ka dib markii Ciidamada Maxkamadaha Dowlada ku biiray ay badankood ka fariisteen dagaalka ay kula jireen kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka taasi oo sababtay in saraakiisha Booliiska Dowlada ay ka caroodaan sidaana ay u adkeeyaan baaritaanada oo gaba-gabadii dhalisay fashil aan salkiisa la ogaan welli.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiishii ku xegeenada u ahaay Taliyaha Ciidamada Amisom ay xeriira la smaeeyeen madaxweyne Yueri Musavani taasi oo sabab ka dhigtay in xilkii laga qaado General Francis Okello isla markaasina uu dalbaday in xabsiga la soo dhigo .

Shalay ayaa magaalada Muqdisho la sheegay in laga dhoofiyay taliyihii xilka shalay laga qaaday Ee Ciidamada Amisom Francis Okello kaasi oo diyaarad militari looga qaaday garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa In madaxweyne shariif uu ogolaaday in la baaro wasiirkiisa Arimaha Gudaha Dowlada Fd Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo lagu eedeyay in hub uu saxiixay la gaarsiiyay Suuqa Bakaaraha isla -amr’ahaantaana lagu wareejiyay Kooxda Xizbul islaam arinkaasi oo sababay isku dhac baaxadiisa cuslaatay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha warbixibntaasi qarsoodiga ah Ee aaynu ka helnay saraakiisha Dowlafa Fd Soomaaliya waxaad uga bogan doontaan wararka soo socda Ee kala soco www.Bartamaha.Com wararkii ugu danbeeyay iyo dhacdooyinka daaha saaran.

Xafiiska Wararka Warbaahinta www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.