Bartamaha(Washington):-Saraakiisha Ciidamadii hore Ee Dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulankoodii labaad ku yeeshaan Magaalada Washington Ee Dalka Maraykanka halkaasi oo ay dhawaan kulan ku yeesheen Wadankaasi.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobe ayaa waxaa la filayaa in looga wada hadlo dhibaatooyinkii dalka ka dhacay mudadaii burburka iyo dagaalada sukeeye iyo xiligan dalka waxa uu ku suganyahay.
Saraakiishan oo ka wada shaqeynjiray qeybaha Ciidamada Sida Booliiska,Militariga ,Asluubta iyo Nabadsugida ayaa waxa ay ka wada xajoonayaan sida looga bixi lahaa dhibaatada dalka soomaaliya xiligan ka taagan.
Saraakiishan oo ay fangaraynayso Qaramada Miboobe ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshayaal dalka soomaaliya dhibaatada looga bad’baadinayo iyadoo ay isku biirinayaan fekeradooda xagga Ciidanka ah .
Kulankan ayaa ah midkii labaad oo ay yeeshaan Saraakiishii hore Ee Ciidamada dalka soomaaliya iyadoo aan la ogayan ujeedooyinka ka danbaysa abaabulka kulamadaasi iyo nattiijada ka soo bixi doonta.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia