Saraakiisha Ciidamada Maxkamada Islaamiga Dowlada raacay oo maanta ku hanjabay in 24-Saacadood gudahood ay Muqdisho kula wareegayaan.
Bartamaha(Muqdisho):-Sargaal ka mida Ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan oo manta Muqdisho saxaafada kula hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in 24-saacadood gudahood ay dagaalada ku soo afjarayaan.
Sheekh C/risaaq qeylow oo ah sii haya xilika afhayenka Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan ayaa waxa uu sheegay in ay magaalada Muqdisho dagaalada ka socda ay soo afmeerayaanj isla mar’ahaantaana ay u diyaargaroobeen sidii Caasimada looga saari lahaa kooxaha dowlada diidan.
Sargaalkaasi ayaa farta ku fiiqay in ay jiraan kooxo gacan ka helaya ajaanib doonaya dhibaataynta shacabka soomaaliyeed isagoo wacad ku maray in kuwaasi ay dalka ka saari doonaan.
Sheekh C/risaaq Maxmed Qeylow”Dagaalada wey daba dheereeyeen dhiiga shacabkana waa uu batay in uu iska sii daato,muddo 24-saacadood gudahood magaalada waan ka sifaynaynaa kooxaha ajaanibta ah iyo kuwa kalkaalaya ee Alshabaab”
Hadalkan hanjabaada u badan ayaa imaanaya xilli dhammaan ciidamada dowlada Fd Soomaaliya ay haatan ku soo urureen Degmooyinka C/Casiis,X/Weyne,X/Jajab,Wabari,Wadajir, iyo degmooyinka Dharkenley,Kaaran,Shibis,Wardhiigley,Hodon,Howl-wadaag, oo intooda badan ay ka arimiyaan xoogaga Mucaaradka balse meela aad u yar ay iskaga soo hor’jeedaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments