read more »">
Calendar

Saraakiil u kala hadashay dowlada Fd Iyo Xizbul Islaam oo guula ka kala sheegtay dagaaladii maanta oo idil ka socanayay Degmooyinka Kaaraan iyo Shibis Ee Muqdisho.

dowlada-iyo-mucaaradka1psdBartamaha(Muqdisho):- Afhayeenka Ciidamada Militariga dowlada Fd Soomaaliya iyo Afhayeenka dhanka howl-galada Ururka Xizbul Islaam ayaa guula ka kala sheegtay dagaaladii maanta inta badan ka socday xaafado ka tirsan degmooyinka kaaraan iyo shibis iyo C/Casiis Ee Muqdisho.

Farxaan Carsaanyo afhayeenka ciidamada Militariga dowlada Fd soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhankooda ka guuleesteen kooxo uu ku tilmaamay nabad-diid kuwaasi oo ku soo duulay fariisinda ciidamada dowlada ee Muqdisho ay ku leeyihiin.

Afhayenka ayaa qiray in Ciidamada dowlada uu qasaara kooban ka soo gaaray balse ay ku guuleesteen in ay natiija xagga hor’marka ah ay ka gaareen Ciidamadooda oo gaaray goobo aanay horey ugu sugnayn kuwaasi oo ka mida Degmooyinka SHibis,Yaaqshiid iyo Kaaraan intaba.

Dhanka kale Afhayeenka Uururka Xizbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay xaafadaha Kaaraan iyo C/Casiis iyo sidoo kale degmada shibis ay xoogagooda kula wareegeen dhamman fariisinada askartaasi ay ka soo duuleen islamar’ahaana ay xoogaga alshabaab iyo Xizbul Islaam ay kala wareegeen

Muuse Caraale ayaa sheegay in ay dagaalkaasi ku jabeen ciidamada kooxda Jabuuti isla mar’anaahnaata ay dhankooda gaareen goobo cusub oo Muqdisho ka mida ciidamadoodana ay haatan ka dagaalamaya afaafka hore ee dakadaii hore Ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ah goobta looga baxo degmada C/Casiis.

Xaalada guud ee goobaha dagaalada caawa xasilooni aan caga ku taagnayn laga dareemayo waxaana warara madax banaan oo labada dhinac aan sal ku lahayn ay muujinayaa in ciidamada dowlada ay ku soo urureen Hotelkii Jubba iyo Isgoyska Boondheere oo wax ka yar 1KM u jira xarunta madaxtooyada Villa Somalia Ee magaalada Muqdisho

Hadalkan guulaha la kala sheegtay ah ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib duqeymo iyo dagaalo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 30-ruux oo rayid ah halka dhaawacuna uu ka badanyahay 50-rayid ah kuwaasi oo haatan yaala goobaha caafimaadka Ee Muqdisho iyadoo aanay jirin cid ka mida labda koox oo gargaaraysa maatida ay ku duldagaalameen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: