Rajo intee la eg ayay ka qaban karaan dhalinyarada in ey hogaamiyaan qarankeeni dumay?
Dhalinyaro, markaad maqasho ereyga dhalinyaro waxaa kuu sawirmaya da’da qofka, laakin dhalanyarimada waa inta u dhaxeyso caruurnimada iyo qaangaarnimada waxaana lagu tiriyaa da’da u dhaxeyso 15 ilaa 30 sida ku cad qiimeyn ay saaameyeen aqoonyahanada caalamka.
Dhalinyarada iyo Dowrka bulshada
Wadan waliba waxaa la yiraahdaa marka loo fiiriyo dhanka bulshada waxey ku tiirsan yihiin dhalinyarada ayagoo loo adeegsan karo dhanka xun iyo dhanka san intaba, tusaale markaan u soo qaadano dhalinyardii 13 ka ahaa ee SYL waxey ahaayeen xisbigii ugu horeeyey ee Somalia laga aas aasey ayagooo dowr muhiim ah ka ciyaarey siyaasada Somalia xiligaa xurnimada inta u dhaxeysey 1950 ilaa 1960 kii , ayagoo mideeyey dhamaan qabaa’ilada Somalia isla markaasina u horseeday xornimo u dalka helo ayagoo daaqada ka saarey gumeystayaashii ingriiska iyo talyaaniga.
Laakiin nasiib darada jirta ayaa waxey tahay laga soo bilaabo xiligii ay dhacdey xukuumadii hore ee dalka ka talin jirtey ayaa waxey dhalinyarada noqdeen kuwa loo adeegsado dhibaatada dalka ka jirta ayagoo noqdey xaabadii loo adeegsan lahaa dabka manta ka holcaya dalka ayadoo dhanka kalena ay jiraan Dhalinyaro ku nagaaday wadankooda hooyo waxay kale yihiin kuwo ka doorbiday inaysan marna wax ka galin dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed waxayna had iyo jeer ka dhiidhiyaan xaaladaha xunxun ee ka socda wadanka waxayna fursad u heleen inay ku noolaan xoriyad gaar ahaan meelaha nabadu ka jirta sido kale waxay heleen fursado waxbarasho walow ay wax ku baranayaan meel dhibaato hor leh ka jirta maalin waliba.
Waxaa kaloo bar bar socota Dhalinyaro isaga baxsaday wadanka hooyo waxayna ku kala firirsan yihiin daafaha dunida iyagoo qaatay dhalashada wadamada ay tageen ama ay daneenayaan inay helaan aqoonsigaas si ay ugu noolaadan wadamadaas, dhalinyaradaas waxay isugu jiraan kuwo helay fursado waxbarasho ama shaqo laakin waxaysan marna heleynin xoriyadii ay ka heli lahaayeen wadankoodii hooyo qaar ka mid ah dhalintan oo ku dhashay dalalkaas ama ay ku barbaareen waxay lumiyeen dhaqankoodii suubana iyagoo qaatay dhaqan aan lahayn taariikh iyo dhaxal wanaagsan sidoo kale waxaa maalin waliba dhegahaada ku soo dhacayo erayo aan fiicneeyn oo loo adeegsanayo dhalinyarada.
Waxaa kaloo dhalinayarada qaar dibadaha ku nool la sheegey iney ka buuxaan xabsiyada wadamada qaarkood ayagoo lagu soo qab qabto fal xun xun ay ka mid yihiin dilal ay geystaan iyo maandooriyaaal ay iibayaan oo lagu soo qabto waxaa jira dhalinyaro dalkiina kasoo tagay ama kasoo baxsaday wadamadii ay tagayna aanan ku haysan wax nolol ah oo la taaban karo waxayna ku nool yihiin walwal iyo dacdaro iyagoo aanan haysan cid ama dowlad u dooda xuquuqda ay leeyihiin ama cid looga baqo waxayna noqdayn dad aan jirin aana lahayn meel ay u noqdaan waxaana laga aaminsan yahay inay soo burburiyeen wadankoodii ayagoo dhalinyaradaasi ku gaarey wadamada ay tageen heerar kala duwan waxaa waliba jirta iney la kulmeen dhibaatooyin inta ay jidka ku jiraan ayagoo saaxiibadooda ku dhamaadey badaha iyo saxaraha u dhaxeya dalka iyo libya iyo suudaan.
Dhalanyaro badan ayaa isku daydey iney sameeyaan ururo kuwaaso rabeyna iney wadanka ugu horseedaan horumar laakin dhaliyaraadasi sameysey ururuda waxey ku kooban yihiin halka ay ka sameeyaan ururada ma jirto urur dhalinyaro oo si rasmi ah uga howla gala gudaha dalka hadana waxey sameeyeen isku day ayagoo kaalmo aysan ka helin aqoon yahanada soomaaliyeed eek u nool dalka iyo dibadaha.
Taasina waxey nasiib daro u tahay hamiga ay ku hanweynaayeen ee ah iney dalkooda wax u qabtaan waloow ay jiraan dhalin yaro kale ku qufalan qabiil taasina hadii la isku dayo laga tir tiro karo taasina ma ahan mid aad culus waxaa loo adeegsan karaa wadooyin sidii markii horeba loogu adeegsaday wadooyin kale,
Waxaa kaloo jirta dhaliyaro badan oo manta wax ku baratey dalka dibadiisa iyo kuwa jooga dalka oo ayagana wax bartey waxaana looga fadhiyaa iney berito noqdaan ubixii dalkii hogaamin lahaa.
Soomaaliya manta waxey u baahan tahay ayaa la dhihi karaa dhaliyaro isku xiran oo qalbi saafi leh ayna ku dheehan tahay wadan jaceyl diin jaceyl weliba kuwaasi waxaa la dhihi kara kuwa wax ku bartey dalka dibadiisa ayagoo arkey sidey u shaqeyso xukuumad inta badan dhalinyarta manta jirta ayey waxey yihiin dhamaantooda kuwa soo hana qaadey xiligii ay dhacdey xukuumada dalka ka talin jirtey.
Ugu danbeyn su’aasha meesha taala ayey waxey tahay “RAJO IN TEE LA EG AYEY KA QABAAN KARAAN DHALINYARADA IN EY HOGAAMIYAAN QARANKA DUMAY?â€
NB wixii talo iyo tusaale ah fadla iigu soo dir e-mailka hoos ku qoran
Said Omar Mohamed
Kuala lumpur, Malaysia
Comments
comments