Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo u mahad celiyay Soomaalida reer London (Daawo Sawirada).
Bartamaha (Muqdisho):-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo saaka kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska oo ay wehliyaan saraakiil kala duwan ayaa mahadcelin u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, gaar ahaana magaalada London oo kaalmo lacageed u soo diray munaasabadda Ciidul Adxa owgeed Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Taliyaha Ciidanka Milateriga Jen. Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Cali Maxamed Looyaan (Cali madoobe) ayaa hambalyo u diray dhamaan Jaaliyaddaha ku nool Qaaraddaha Adduunka, gaar ahaana Jaaliyadda reer London.
Kulanka kadib, shir jaraa’id oo uu saxaafada u qabtay Wasiirka Wafaafinta Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in lacagtii kaalmada aheyd ee ay soo dhiibeen walaalahooda Soomaaliyeed ee reer London laguna soo hagaajiyay R/wasaaraha la gaarsiiyay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isla markaana loogu iibiyay Neefaf Geel ah, iyagoo maantana si wanaagsan ku ciiday.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Milateriga Jen. Cirfiid ayaa isaguna si weyn ugu mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK gaar ahaana kuwa ku nool London wuxuuna xusay inay tahay jaaliyaddii ugu horeysay ee is xilqaantay isla markaana soo xusuustay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maalin kasta u dhimanaya una dhaawacmaya difaaca Qaranka iyo Calanka Soomaaliyeed.
“Kaalmadaan dhaqaale waa mid dhiirigelin weyn ku abuurtay ciidanka Qaranka, waxaana ka codsanayaa jaaliyaddaha kale ee Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalalka Caalamku inay ku daydaan oo ay soo taakuleeyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha Milateriga.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska Warfaafinta
Comments
comments