Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay galabta waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan-cadde Internetional Airport oo ay uga hortageen Xubno isugu jiray wasiiro, xildhibaano, iyo Madax kale.
Dr.Cumar C/rashiid ayaa ka soo kecitimay Garoonka Magaalada Nairobi iyadoo u halkaasi ay ku soo sagootiyeen Mudanayaasha baarlamanka eek u sugan magaalada Nirobi .
Ra’iisul wasaaraha ayaa dalka ka maqnaa muddo labo todobaad ku dhow, isagoo safaro ku soo kala bixiyay magaalooyin ay ka mid aheyd Roma oo uu kaga qeybgalay shirkii wadamada Xiriirka Caalamiga ah e looga hadlayay arimaha murugsan ee dalka soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi waxa uu kulamo xiriir ah kula yeeshay dhamaamba xubnaha beesha caalamka, Hay’adaha samofalka, iyo xubno kale oo ay ka midyihiin safiirada wadamada eek u yaala magaalada Nairobi.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo uu saxaafada siisay Ra’iisul wasaaraha balse waxaa la filayaa in xuiliyada soo socda uu ka warbixin doono kulamadii uu beesha caalamka uu kula soo yeeshay magaalooyinka kala duwan.
Xasiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.