Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo Maanta Wasiirkiisa Amniga Magacaabay .

Posted on Jul 23 2009 - 6:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

Wasiirka Cusub AmnigaBartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa waxa uu si rasmi ah u magacaabay wasiirkiisa Amniga Qaranka ka dib muddo uu kursigaasi banaanaa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si rasmi ah waxa uu u magacaabay C/laahi maxamed Cali in uu qabto Xilka Wasiirka Amniga qaranka oo horey uu uga geeriyooday Cumar Xaashi Aadan.

Wasiirka Cusub Ee Amniga Qaranka C/laahi maxamed Cali ayaa saxaafada u sheegay in uu ku faraxsanyahay magacaabista Xilkaasi islamar’ahaantaana uu diyaar u yahay gudashada waajibkaasi shaqo ee la saaray.

Xilkan maanta la magacaabay ayaa waxa uu soo afmeerayaa tar-tan iyo isqab-qabsi ka taagnaa beesha uu ka dhintay wasiirkii hore Ee Amniga Qaranka taasi oo salka ku haysay cida sida rasmiga ah loogu magacaabayo xilkaasi.

Wasiirkan Cusub Ee Amniga qaranka ayaa maanta markii ugu horeysay dhexfariistay Wasiirada dowlada kulankii ay ku lahaayeen Xarunta Hoyga Ra’iisul Wasaaraha halkaasi oo ah Golaha ay ku kulmaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.