Bartamaha(Muqdisho):-Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka warhayaan halka lagu hayo Saraakiisha Faransiiska ah ee lagu afduubtay Magaalada Muqdisho isla mar’ahaantaana ay wadaan dadaalo dheeri ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay la socdaan Xaalada Saraakiishaasi la haystayaasha ah kuwaasi oo uu tilmaamay in xiligan ay wanaagsanyihiin balse ay samayn doonaan talaabo waliba oo lagama maarmaan ah.
Ra’iisul wasaaraha dowlada Fd Soomaaliya ayaa xusay in ay dowladiisa ku dhaqaaqayso wax waliba oo lagu bad-baadin karo la haystayaasha Faransiiska ah .
“Saraakiisha Faransiiska ah xiligan waa ay Caafimaad qabaan,Muqdisho ayaana welli lagu hayaa,Dowladeyda waxa ay samaynaysaa wax waliba oo nolosha raggaasi lagu bad-baadin karo,xikttaa diyaar ayaan u nahay in aan fasaxno Mariiniska Faransiiska Ee Xeebaha soomaalia jooga haddii aan ka fursan weynoâ€ayuu yiri Ra’iisul ,wasaare Cumar C/rashiid.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli welli Magaalada Muqdisho lagu haysto shaqaalaha Faransiiska ah kuwaasi oo illaa haatan waxa laga doonayo aan la cadaynin isla markaasina ay hayaan Islaamiyiinta Mucaaradka dowlada ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.