Ra’iisu wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalka Soomaaliya ay jogaan in ka badan 2000-Dagaal yahano ajaanib jiahaad-doon ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul wasaaraha Dowlada Itoobiya Melles Zenawi oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters  ayaa waxa uu daaha ka qaaday in ay ka wal-walsanyihiin dagaalyahanada ajaanibta ah Ee Soomaaliya xiligan sii galaya.
Zenawe ayaa tilmaamay in dagaalada lagula jiro Dowlada Fd Soomaliya ay hoggaan ka yihiin Xoogaga ajanib ah kuwaasi oo uu sheegay in ay soomaaliya soo galeen dhawaanahan isla mar’ahaantaana ay caalamka uga yimaadeen sidii ay soomaaliya ugu gacan-galin lahaayee Alshabaab.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Zenawi ayaa waxa uu sheegay in haatan soomaaliya ay joogaan in ka badan1000 Illaa  2,500 kuwaasi oo dhamaantood Soomaaliya haatan dagaalada uga jira si ay garab u siiyaan Islaamiyiinta Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in raggaasi ay yihiin kuwa dhimasho doon ah isla mar’ahaantaana ka soo kala tagay wadamada Pakistah, Afghanistan, iyo qaar ka mida wadamada Carabta isagoo xusay in ajaanibtaasi ay ka mid yihiin kuwa ka soo jeeda Maraykanka iyo Yurub.
Meles ayaa xusan in ay dareemayaa qatarta Islaamiyiintaasi balse uu tooshka ku ifiyay in loo baahanyahay iskaashi caalami ah si looga takhaluso islaamiyiintaasi aan doonaynin daganaanshaha Gobolka Geeska Afrika.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments