Bartamaha(Muqdisho):-Qoys Soomaaliyeed oo ku nool Minneapolis Dalka Maraykanka ayaa sheegtay maydka ninkii shalay lagu dilay Muqdisho kaasi oo ay sheegeen in ay weysanaayeen muddo dheer.
C/risaaq Biixi oo ah Afhayen u hadlay qoyskaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in wiilka shalay shaashada Caalamka laga baahiyay in ay aqoonasdeen reerkiisa oo ku nool Minneapolis isagoo sheegay in hoyadiis ay sheegatay wiilkaasi geeriyooday in ay dhashay.
Afhayeenka u hadlkay qoyskaasi Soomaaliyeed ayaa u sheegay Wargayska Fox News in wiilkaasi uu magaciisu ahaa Jamaal Baana 20-Sana jir Soomaali haystay dhalshada wadanka Maraykankana ahaa.
Afhayeenka ayaa sheegay in hooyada dhashay wiilkaasi ay aragtay maydka wiilkeeda xilli ay joogtay hoygeeda oo ku yaala Minneapolis iyadoo sheegtay in xilli hore ay ugu wardanbaysay isla mar’ahaanataana aanay arag muddo baaritaanana ay ku waday halka uu jogo Jamaal.
Hooyada ayuu sheegay afhayeenkaasi in ay ka argtay maydka wiilkeeda Web siteyada soomaalida iyadoo loo malaynayo Pakistaani ama Afgaanistaan taasi oo ku kaliftay in ay saxaafada fekerkeeda u soo mariso.
Sida uu daabaceen Wargayska Fox News,New York Times wiilkan ayaa muddo haatan laga joogo 3-Sanadod waxa uu ka baxay dalka Maraykanka iyadoo hoyadiis ay in mudda ah baadi goobaysay balse loogu sheegay in uu joogo Dalka Soomaaliya.
Wiilkan ayaa la sheegayaa in uu ka mid ahaa 20-dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo ka soo tagay dalka Maraykanka isla mar’ahaantaana qaarkood la sheegay in ay ku dhinteen dagaalada ka socda Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.