QM oo sheegtay gobalo hor leh oo Soomaaliya ku yaalla in ay ka dilaaceen Macluul
Nairobi(www.Bartamaha.com):- Mark Bowden oo ah isuduwaha howlaha bini’aadnimadda QM ee Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP labo gobal oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya ay ka dilaaceen xaalad macluul ah.
“Waxa aan qiyaaseenaa in ka badan labo oo ku yaala koonfurta Soomaaliya in ay ka jiraan macluul kuwaas oo au ku jirraan Jubadda Dhexe iyo Jubadda Hoose,” ayuu sheegay Mark Bowden
QM ayaa horrey u sheegtay shan gobal oo ku yaala koonfurta Soomaaliya in ay ka dilaacday xaalad macluul kuwaas oo ay ku jirto deegano ku dhow caasimada muqdisho.
Bishii horre ayaa QM waxa ay sheegtay labada gobal ee Bakool iyo Shabeelaha Hoose in ay ka dilaaceen macluul ka dib markii abaartii ugu ballaarneed ay ku dhufatay.
Mr.Bowden ayaa sheegtay in loo baahan yahay kor in loo qaado gargaarka la siinaayo Soomaaliya qiyaastii 10,000 oo qof ayaa la sheegay maalintii labo ka mid ah in ay dhintaan.
Waxa kaloo uu sheegay Isudaha howlaha bini’aadinimadda QM ee Soomaaliya in la kor dhiyo lacagta laballan qaaday ee gaaraysa to 280 million oo dollar lacagtan waxa ku jirta 350- million oo dollar oo lagu balan qaaday todobaadkii horree magaaladda Istambuul kulkankii ay ku yeesheen ururka iskaashiga Islaamka ee 57-wadan ka kooban.
QM ayaa codsatay 1 billion oo dollar oo wax looga qabaanayo abaarta ka taagan Soomaaliya,
Ku dhawaad 12.4 million oo qof oo ku nool geeska Africa oo ay ku jiraan Soomaaliya qaybo ka mid Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Uganda, in ay halis ugu jiraan in ay gaajo u dhintaan haddii si deg deg waxbo looga qaban.
W/D:Xafiiska Wararka Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments