Calendar

Qaraxyo Xalay iyo Saaka lagu weeraray ciidamada Ammaanka Magaalada Baladweyne kuwaasi oo waxyeela ay ka dhalatay.

baladBartamaha(Muqdisho):-Qaraxyadan ayaa intaba waxaa lagu weeraray ciidamada Ammaanka Magaalada B/Weyne iyadoo ay waxyeela ka soo gaartay Ciidamadaasi Iyo Dad rayid ah oo Gudaha Magaalada Baladweyne ku noolaa.

 

Xalay fiidkii hore ayaa bamka nuuca gacanta laga tuura ah waxa lagu weeraray ciidamada Ammaanka Maamulka Gobolkaasi xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee saldhiga magaalada B/Weyne.

 

Qaraxa xalay weerarka ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay waxyeela ka soo gaartay ilaa 5-ruux oo inta badan ay ahaayeen dad rayid ah balse ay ku jireen Ciidamada maamulka Gobolkaasi oo ilaala ka hayay goob ay ku sugnaayeen masuuliyiintii dhawaan soo galay magaalada B/Weyne.

 

Barqanimadii manta ayaa dhanka kale waxaa Qarax bambaano uu ka dhacay Gudaha Suuqa xoolaha Magalada B/Weyne halkaasi oo ay ka agdhawaayeen Ciidamada Maamulka Maxkamadaha Hiiraan kuwaasi ka adeeganayay suuqaasi.

 

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday 2-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 4-ruux oo kale oo intoodaba ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha Suqa Xoolaha B/Weyne oo ahaa mid aad ciriiri u ah isla mar’ahaantaana ay qeyb ka mida joogeen ciidamada maxkamadaha dowlada raacsan.

 

Xaalada suuqaasi ayaa kacsan iyadoo ciidamada maamulka Hiiraan ay suu buuxdhaafiyeen  gudaha suuqa kuwaasi oo howla baaritaana ah ka bilaabay goobta qaraxa uu ka dhacay ee deegaanada ka agdhaw.

 

Qaraxyadan ayaa ku soo aaday xilli ay gudaha magaalada Baladweyne ay ku suganyihiin xubno uu hogaaminayay Wasiirka Amniga Qaranka Dowlada Fd soomaaliya Cumar Xaashi Aadan .

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: