Bartamaha(Muqdisho):-Qaraxyadan oo ka kala dhacay Degmooyinka Dharkenley iyo Waabari ayaa maanta siyaabo kala duwan waxaa loogu weeraray Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya kuwaasi oo qasaara uu ka soo kala gaaray weeraradaasi.
Qaraxa hore ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamada Dowlada Fd xilli ay howl-galo ka wadeen Degmada Dharkenley Ee Muqdisho halkaasi oo kooxo aan la aqoonsan ay Bam ku tureen kaasi oo ay ku geeriyooday 1-Askar halka ay kaga dhaawacmeen illaa Saddex oo ciidan ahaa.Â
Rasaas ay Ciidamada la qarxiyay jiha waliba u sayreen ayaa waxaa ku dhaawacmay qof haweeney ah iyadoo gabi ahaanba uu isbadalay jawiga Dharkenley gaar ahaan gobta weerarka uu ka dhacay oo ahayd meel gawaarida laga raaco.
Muddo ka dib duhurnimadii manta ayaa weerar kale oo Ciidamada lagu qaaday waxa uu ka dhacay dugsiga 21-October Degmada Waabari Ee Muqdisho halkaasi oo mina ay kula kacday gaari ay la socden Ciidamada dowlada.Â
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Miinada nuuca meelaha fog laga hago taasi oo haleeshay gaari nuuca Mark Two-ga ah oo ay la socdeen Ciidamada dowlada .Â
Gaariga ayaa la xaqiijiyay in uu gabi ahaanba Bur-buray iyadoo ay ku geeriyoodeen ilaa 2-askari halka mid kalana uu dhaawac culus ka soo gaaray.
Xaalada Deegaankaasi ayaa manta ahayd mid aad u kacsan waxaana goobataasi soo gaaray Ciidamada dowlada ee fariisinka ku leh isgoyska KM.4 iyagoo goobta qaraxa ay ka sameeyeen baaritaano ay dad ku qab-qabteen.Â
Qaraxyada manta dhacay ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli shalay taliska Ciidanka Booliiska ay wadac ku mareen wax ka qabashada xaalada ammaanka caasimada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â