Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Bartamaha (Kismaayo):- Qarax Qasaara sababay ayaa xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose halkaasi oo ay maamusho Kooxda Alshabaab.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid laga maqlay inta badan magaalada Kismaayo kaasi oo ka dhacay xaafada Guul wade oo ka tirsan Kismaayo halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray caruur aad u da’yar.
Bamka oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso ayaa la xaqiijiyay in ay ku cayaarayeen Caruurta qaraxa uu xalay haleeyay iyagoo xiligaasi ku garaacayay biro sida ay cadeeyeen maamulka shabaab ee Magaalada Kismaayo.
Laba caruur ah ayaa ku geeriyootay 5-kalana dhaawacvyo kala duwan ayaa ka soo gaaray markii Bamka ay ku cayaarayeen uu la qarxay sida ay sheegayaan dadka deegaanka Guulwade Ee Magaalada Kismaayo.
Xasan Yacquub Cali gudoomiyaha shabaab Ee Magaalada Kismaayo ayaa saaka saxaafada u sheegay in qaraxa uu ahaa Bam ay ku ciyaarayeen caruurta kaasi oo sababay qasaaraha intaas la eg.
Sargaalka shabaab u hadlayay ayaa sheegay in ay ka xunyihiin qaraxa Caruurta waxyeela gaarsiiyay waxa uuna sheegay in ay samaynayaan baaritaan guud oo la marsiinayo magaalada gudaheeda.
Qaraxa xalay ayaa ahaa midkii labaad oo sanadan gudaheeda Caruur ku dila Kismaayo waxaana loo aanaynayaa Walxaha qarxa oo kooxaha ku dagaalamay Kismaayo ay uga tageen wadooyinka Magaaladaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments