Bartamaha(Boosaaso):-Qaraxan oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu tuuray Hotelka Karaama Ee Magaalada Boosaaso halkaasi oo uu ku sugnaa sargaal sare oo ka mida Maamul Goboleedka Puntland.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay Goob ay dad bdani ka cunteynayeen fiidnimadii Caawa halkaasi oo ay mar qura ku wada dhaawacmeen ilaa 15-ruux oo rayid u badan kuwaasi oo goobtaasi ku wada  sugnaa.
Bamka ayaa l sheegay in uu ku dhacay goob uu ka agdhawaa Taliyaha Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso kaasi oo xiligaasi waday howlo ammaanka lagu sugayo.
Ciidamadii ilaalada u ahayd Sargaalkaasi ayaa la tilmaamay in ay fureen rasaasta ugu badan taasi oo waxyeela ay ka soo gaartay qaar ka mida 15-Dhaawaca ah Ee Isbitaalka Boosaaso la dhigay kuwaasi oo xaaladooda ay kala duwantahay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay sargaalka caawa Bamka lagu tuuray iyadoo aanay jirin cid cadayn karta qasaaraha gaaray Ciidamada iyo sargaalka Bamkaasi lagu tuurayay Ee Magaalada Boosaaso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â