Qaramada Midoobe oo ka digtay ammaan daro qaxootiga Soomaalida Ee Dalka Yaman ay ka gaystaan halkaasi.

Posted on Jul 29 2009 - 3:28pm by News Desk
Tweet
Pin It

Yemen_Bartamaha(Sanca):-Hay’ada Qaramada Midoobe u qaabilsan dhanka Qaxootiga Ee UNHCR ayaa sheegtay in xilli waliba ay dhibaata geysan karaan Qaxootiga Soomaalida ah Ee gaaraya dalka Yaman.

 

Warbixin ay soo saartay Hay’ada UNHCR ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sii kordhayaan tirade Qaxootiga iska dhiibaya dalka Yaman kuwaasi oo badankood tahriib ahaan ku soo galay. 

Warbixinta ay soo saartay hay’adaasi aya waxa ay ku sheegtay in dalka Yaman ay haatan ku suganyihiin in ka badan 230,000-oo qaxooti Soomaaliyeed ah halka 12,000-oo kalana ay ku soo wajahanyihiin dalkaasi.

Hay’ada ayaa waxa ay sheegtay in qaxootigaasi Soomaalida ay ah dhibaato xagga ammaanka ah ka geysan karaan dalka Yaman islamar’ahaantaana xagga dhaqaalaha wadankaasi ay isbadal ku samaynayaan.

UNHCR ayaa sheegtay in ay badda Gacanka Cadmeed ay ku geeriyoodeen 300 oo tahriibayaal ah kuwaasi oo intooda badan sanadkan oo kaliya ku dhintay badaasi si ay u gaaraan dalka Yaman.

Warbixintan ay soo saartay hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobe u qaabilsan ayaa waxa ay dhibaato ku noqon kartaa tahriibayaasha sida Kumeel gaarka ah u jooga Yaman taasi oo sabab ka dhigi karta in Yaman ay bilowdo daadgureynta dadka qaxootiga soomaalida ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.