Puntland oo kahadashay Socdaalkii uu Laasqoray ku yimid Madaxweynaha Somaliland (war Saxaafadeed)
WARSAXAAFADEED
Ku saabsan Imaatinkii Madaxweynaha Somaliland Ku Tagey Degmada Laas-Qoray
Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo katirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daan-daansi iyo xad-gudub lagu soo xad-gudbay xadduuda Puntland.
Punland waxay diyaar u tahay inay difaaacdo xadduudeeda islamarkaasna waxay ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed iyo shacabka dariska ah.
Cabdiweli Xirsi Cabdille
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.