Prof Dalxa oo shaaca ka qaaday in laga hor’istaagay soo dhaweynta madaxweyne shariif Ee Magaalada Nairobi.

Posted on Aug 6 2009 - 6:25am by News Desk
Tweet
Pin It

dalxaBartamaha(Nairobi):-Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Kenya ay is hortaag ku sameysay soo dhaweynta wafdigii Madaxweynes Shariif.

Prof.Dalxa ayaa sheegay in shalay loo diiday in uu noqdo masuulkii ugu sareeyay ee dowlada Fd Soomaaliya oo soo dhaweeya wafdiga Madaxweynaha isagoo sheegay in dowlada Kenya ay u diiday in uu noqdo gudoomiyaha wafdiga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha ee shalay gaaray Nairobi.

Prof.Maxmed Cumar Dalxa ayaa ku dooday in aanay sharci u lahayn Dowlada Kenya u doodideeda safaarada soomaalida balse ay ku dhaqaaqday sharci daro maadaama ay hoggaan uga dhigtay wafdiga soo dhaweynta madaxda Safaarada Soomaalida Ee Kenya.

Gudoomiye Xigeenka ayaa sheegay in loo diiday xittaa in uu raaco gawaarida Safaarada Soomaalida isagoo sheegay in uu kireystay Tegsi si uu u soo dhaweeyo madaxweynaha taasi oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa sharci darada dowlada Kenya ay ku hayso shaqada ka dhexeysa soomaalida.

Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka ayaa sidoo kale sheegay in aanu ilaa haatan la kulmin madaxweynaha loona diiday in uu galo Hotelkii uu dagay Madaxweyn e Shariif Sheekh Axmed.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay safaarada soomaalida Ee dalka Kenya Iyo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ee ku aadan tacadigan balaaran Ee lagula dhaqaaqay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Baarlamanka soomaaliya

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.