Scroll to Top
Latest News

Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, waxaa lagu soo bandhigay, hub iyo gaadiid Al-Shabaab ay kasoo qafaasheen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya oo ay dagaal kula galeen maalmo kahor Magaalada Mandheera ee Gobalka NFD. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha ku yaala Degmada Baardheere, halkaasi oo ay ku daawanayeen gaadiidka lasoo bandhigay, hub iyo Aqoonsiyo ay leeyihiin askar ka tirsan Dowladda Kenya. Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, ayaa goobta ka sheegay inay guul tahay soo qabsashada gaadiidka laga soo dhacay Dowladda Kenya. Rasaas...Continue reading »

Wakiilka gaarka ah ee Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo asagoo Muqdisho jooga ka qeyb galay shirkii golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa uu sheegay in in kastoo 12 bilood ee lasoo dhaafay hor mar laga gaaray qeyb ahaan siyaasadda, amaanka iyo dhaqaalaha haddana ay jirto walaac uu ka qabo in siyaasadda Soomaaliya ay dhibaato ka dhacdo. Qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wajahaan qatar siyaasadeed ayna ku dhaw yihiin inay noqdaan goobo halis badan sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in loo...Continue reading »

Sida ay ku soo Waramayaan Wararka naga soo gaaraya Dalka Koofur Afrika Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud ayaa xalay soo gaaraay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika iyadoo Garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Safaarada iyo Dowlada dalka Koonfur Afrkia iyo Jaaliyada Somaliyed ee ku nool Dalkaas. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Union Building ee Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrkia taa oo la filayo in uu maanta kaga...Continue reading »

Waxaa Faah faahin Dheeraad ah ay ka soo baxaysaa Weerar Xoogan oo Goor dhaw Xarunta baarlamaanka Somalia ay ku qaadeen Dagaalamayaal al shabaab ah oo Gudaha u galay Xarunta Baarlamaanka halkaas oo mudo laga maqlay rasaas Xoogan iyo Qaraxyo waa weyn oo Qaarkood gawaari loo Adeegsaday . Dadkii xarunta baarlamaanka ku sugnaa oo ay ku jiraan Xildhibaanadii oo uu wehliyo Gudoonkooda sare, Wariyayaashii Warka u doonay Xarunta shaqaalaha baarlamaanka iyo Xitaa qaar ka mid ah Ciidamadii Ilaaalada ka ahaa xarunta ayaa lagu soo waramayaa in ay...Continue reading »

hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war bixin ay ku dhaleecaynayso hanaan ka ay maxkamada ciidamada Qalabka sida u fuliso xukunada. Warbixintaan waxaa lagu sheegay in hay’adda oo la kulantay Sodomeeyo ruux oo qaarkood ehelkooda ay maxkamadu xukuntay ay ku ogaatay in xataa dadka ay xukunto maxkamadu qarenadda u dooda aysan helin fursad ay ugu doodaan eedaysanayaasha ay difaacayaan. Human Rights Watch waxay sheegtay in tan iyo sanadkii 2011 ay maxkamada ciidamada Soomaaluiya fulisay boqolaal xukun oo aan cadaalad aheyn...Continue reading »

Hayadaha sama falka ee Soomaaliya ka howl gala ayaa dowladda Maraykan ugu baaqay inay ka laabtaan go’aan kii ahaa in ay xiraan akoonada xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyahiin bangiyada kuyaala dalkaasi. Hay’adaha OXFAM iyo Adeso ayaa ka codsadey in aanan xiligan la carqaladaynin xawaalada ha Soomaalida ee ka howl gala dalka Maraykan maadaama ay Soomaali badani ku tiirsan tahay. Bayaanka waxaa lagu sheegay in haddii la xiro akoonadda ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin bangiyadda Maraykanka ay keeni karto dhibaato dhaqaale...Continue reading »

Diyaar garowga caleema saarka boqorka guud ee beelaha daarood oo si wayn looga dareemayo xarunta gobolka Karkaar Qardho ee Puntland. Caleema saarka iyo caano shubka boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf ayaa ku aadan maalinka Axada ee bishu tahay 25. Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka Nuur Maxamed Nuur oo horey u ahaan jiray gudoomiyihii hore ee daladda Punsaa ayaa warbaahinta u sheegay inay qaban qaabadu marayso meel fiican oo gabagabo. Wuxuuna sheegay in la dhisay guddiyo kala duwan oo howsha caleemo saarka qaabilsan. Nuur...Continue reading »

Waxaa maanta oo arbaco aheed caasumada Puntland ee Garowe ka furmay shir caalami ah oo kasoo qayngaleen beesha caalama iyo madaxda Puntland. Shirkaan oo ahaa mid Dowlada Puntand ay Beesha Caalamka ugu soo bandhigaysay ujeedada ay kaleedahay Horumarkeeda,waxana goob joog ahaa Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo IGAD,Madax ka socota UNSOM, Wadamada ay Safiiradu ka joogen waxaa kamid ahaa,Denmark,France,Germany,Ithalia,Norway,Sweden,Turkish iyo sidookale UAE,Masuulka ugu sareeya Bankiga Aduunka,Madaxa hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Somaliya...Continue reading »

Hay’adda nabad sugida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhanlin yaro ah oo ku eedaysan inuu ahaa shaqaaale ka tirsan Idaacada ku hadasha adka Al-shabab . Shakhsiga Nabad Sugida soo bandhigtay waxa magaciisa lagu sheegay Maxamed Khaasim kaasi oo da’diisu udhaxeysa 20 ilaa 25 sano jir iyadoona uu saxaafada ka hor qirtay inuu la shaqeynayey Al Shabaab. Maxamed Khaasim ayaa sheegay inuu wax ka ogaa falal kala duwan oo Xildhibaano baarlamaanka Somaliya katirsanaa lagu dilay isagoo dhinaca kale sheegay...Continue reading »

Waxaa maal mahan danbe socday howl galo ay ciidamada AMISOM ay ka wadeen xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyna halkaas oo maanta lagu soo gaba gabeeyay. Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka hadlayay howl galadan ayaa carabaabay in ay jirto gabar da’yar oo lagu soo qabtay wal xaha qarxa, sidoo kalana looga shakisan yahay in ay qarxin laheed gagida duyyuuraha magaalada Baladwayne. Gudoomiye Afrax ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi lasoo qab qabtay ay ku jirtay Gabar aad u da’ yar taasi oo dooneysay in ay isku qarxiso...Continue reading »

Wafdigan ka socday Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa shalay tagay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab, iyadoo degmada ay ka jirto qiimo koror ku yimid maciishada. Gudoomiyaha degmada Buulo Burde C/casiis Durow Cabdi oo Lahadlay Idaacadda BBC Laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in wafdiga Qaramada Midoobey ay isugu jireen dhowr hey’adood, iyagoo u kuur galayay xaalada bani’aadanimo ee degmada. “dhowr hey’adood ahaayeen, sida WHO, WFP, UNICEF iyo kuwo kale, xaalada...Continue reading »

Korneel Maxamed Aadan buule oo katirsan saraakiisha ciidamada dowlada  ee kusugan magaalada balad-xaawo ee gobolka gedo ayaa ku eedeyay hogaamiyaha maamulka KMG ee juba Axmed Madowe in uu kadan beeyay dagaalki shalay ka dhacay Balad-Xaawo. Isagoona sheegay in ciidamada dowlada Iyo Kuwa Ah-Lusuna ee Kusugan G/Gedo Gaar ahaan Balad-Xaawo ay Duulaan Colaadeed Kusoo Qaadeen Ciidamo Uu Shegay in ay ka Amar qaataan Maamulka Jubba. Dhinaca Kale taliyaha ciidamada maamulka Juba ee Gobolka Gedo korneel Yaasiin Barre ayaa isna shegay in Ciidamada...Continue reading »

Waxaa Saakay Magaalada muqdisho Ku Geriyotay Fanaanada Caanka ee Xaawo Maxamed Yuusuf “Xaawo Jeesto” Allaha u naxariistee Fanaanada ayaa lasheegay in Ay ugeeriyootay Xanuunka Kansarka oo Kaga Dhacay Madax Iyadoona lashegay in Wadanka Wax Looga Qaban waayay. Waxaa ay kamid aheeyd Fanaanad Xaawo Jeesto Kooxda Onkod oo Mudo 35 sano Katirsaneyd Hasa Ahaatee Markii Danbe Ku biirtay Kooxda Fanaaniinta Qeylo Dhaan oo Aheeyd Gudoomiyaha Kooxda Qeyla Dhaan Muqdisho. ...

Ciidamada Maamulka Gobolka Baay ee Dowladda Soomaaliya oo howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa soo Ogaaday halka laga soo qorsheeyay Weerar maalin ka hor ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo. Ciidamada oo helay Xog ku aadan in Qaraxii Ismiidaaminta ahaa laga soo abaabulay Garaash ku yaala Baydhabo ayaa waxey xireen Garaashkii waxaana sidoo kale ay u soo qab qabteen Qaraxaasi ku dhawaad 3 Ruux oo lagu tuhmay. Gudoomiyaha Gobolka Baay oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Qaraxa...Continue reading »

Afhayeenka Dhinaca howlgalada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal ay la galeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika Ee Amisom,waxaa uuna sheegay inay ciidamo fara badan ay ku dileen dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Degmada Buurdhuube Ee G/Gedo. Abuu Muscab ayaa ku faanay inay xiligan awoodo ay yaraatay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxaa uu ku hanjabay inay Sii wadi doonan dagaalka ay kal Soo horjeedaan dowlada iyo AMISOM. dhanka kale Afhayeenka waxa uu...Continue reading »

Xilli Magaaladda Muqdisho ay Caasimada dalka Soomaaliya ay taagantahay Xaalada siyaasadeed oo aad u kacsan oo ay fureyn qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo Xog Culus oo ku aadan waxa sababay in Xiligaan Xasan Sheekh la yiraahdo iscali. laba arrimood, ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen khilaafka soo kala dhex-galay Dowladda iyo Baarlamaanka, iyadoo ay dhabarka ka riixayeen Xildhibaano careysan. Khilaafka 1aad ayaa waxa  uu ka dhalashay markii Shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga ee ka hawlgasha...Continue reading »

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bayaan cad ugu sheegay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu iscasilo si dalka ugu hirgasho dowlad hanaqaado. shir ay Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen caasimada dalka ee Muqdisho ayay kusoo saareen bayaan cad oo ugu baaqaya madaxwaynaha Soomaaliya talada u haya ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu isaga dago xilka maadaama uu ku fashil may inuu guto howlahii loo igmadey. Bayaankaan ayaa waxay xildhibaanada u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka Jawaari sidoo kalane toos...Continue reading »

Madaxwaynaha Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey caasimada Puntland ee Garowe. Madaxwayne Gaas ayaa waxaa si diiran caasimada Gorowe ugu soo dhoweeyay ku xigeenkiisa Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey gudoonka baarlamaanka Siciid Xasan Shire, xubno ka mid ah gollaha wasiirada dowladda Puntland iyo shacabweyne fara badan. Madaxwaynaha ayaa kasoo rogaal celiyay safar shaqo uu ku kala tagay dowladda federaalka Ethiopia iyo Eritrea sidoo halka uu sidoo kale madaxweynaha uu dalka Ethiopia ugu qayb galay...Continue reading »

wararka naga so gaaraya gobalka gado ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolkaasi Maxamed Cabdi Kaliil uu ka bad baaday qarax miino oo ka dhacay degmada Buurdhuubo, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa. sido kale Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loogu xiray gaariga Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana la sheegayaa xilliga uu gaarigu qarxayay uusan saarneyn gaarigiisa gudomiahu. Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay garaash dhexdiisa oo lagu sameynayay, isagoo xusay in labo ka mid...Continue reading »

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa halkaasi kulan xaas xaasi ah kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan. Madaxweynha somaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulankooda waxa ay uga arrinsadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso sidii dowladda Maraykanka ay u xoojin lahayd taageerada  ay siineyso dowladda Soomaaliya. dhinaca kale Mr John Kerry oo lahadlay warbaahinta...Continue reading »