SADDEX DAREEN HA DAYACIN:DARDAARAN
Waa isku dayayaa oo ma joojinayo dadaalkayga oo Allaa garabsanayaa aniga oo yaqiinsan in Allaah dayaci doonin dadaalka addoonkiisa daciifka ah, waxaan ahay daciif aan waxba garanayn oo xataa ogeyn waxa yaala waqti xaadirkan gadaashhiisa,Allaah baa Cilmi badane ah,caadil ah dulminayn,hagranayn,hilmaameyn,hurdaynin, Subxana Allaaah Allow waa ka nasahan tahay ceebaha oo idil, Allow nagu galadayso raxmadaada oo nasii cilmi naafic ah oo aan Diinta, Dadka iyo Dalkeena ugu adeegno. Aamiin
Waxaa nahay walaalo isku midab ah,Diin kaliya naga dhaxeyso, dhaqanwadaag ah oo aanan nala kala saari Karin, walaalkeyga soomaaliga waa ka soo dhexsaari karaa Afrikaanka kale meel kasta uu adduunka ka tago,waxaa isoo jiita udgoonkiisa/keeda,muuqaalkiisa,humaagiisa dheer, xataa haddii aan meel fog ka arko, waxaa dukaashadaa joogitaankiisa waa ii gacan midig iyo bidix oo aanan si naba uga maarmi Karin. Waa walaalkey maalintaan waayo waa ii murugo iyo garab la,aan, maka fisho xumaan mana u hawoodo inaan xumeeyo. Waayo waa walaalkey soomaali ah(oo ah macnaha buuxa weedha ku tusinayso).
Haddaba, walaalka/walaasha soomaaliga waxaa aan rabaa in aan isla dardaarano oo is wacyi gelino maadaama aanan kala maarmin, dardaarankaas waxa uu hoos tagayaa ama loo qaybinayaa saddex dareen:
n Dareenka Diinta:
Waxaa Allihii na abuuray nagu galadaystay nimcada diinta Islaamka ah oo aan runti Allaah uga xamdiyeyno, Diinta Islaamka waa mid dhamaystiran oo ku jiraan dhammaan waxyaabaha nolasha bini’aadanka daruuriga u ah, waxa aay ka kooban tahay Qowlki Allaah ee Qur’aanka ah, Sunnadii Xabiibkeena rasuulka Muxammad Salallaahu calayhi wasalam. Ayadoo sunadana aay tahay sharaxa Qur’aanka kariimka Ah ayaa haddana waxaa sii dheer siiradii xabiibkeena rasuulka Muxammad salallaahu calayhi wasalim,siiradii saxaabada Allaha ka raali noqdee,iyo kuwii ku xigay oo dhan.
Haddaba walaal Xabiibkeena Rasuulka muxammad salallaahu calayhi wasalim waxa uu nooga tagay dhaxalkaas qaaliga ah oo ummad haysataa aysan jirinin,waxa aan haysanaa dahab iyo dheeman aan duugoobaynin. Marka walaal waxaa la yaab leh ummad haysata dhaxalkaas qaaliga ah sidee looga hormaraa xaga nolasha?
Ku faan Diintaada Islaamka ah, kuna dhaganow waxkasta oo kaaga yimaada oo dhibaato ah ku dhaqan kuna dhimo iyada oo kaliya. Noqo tusaale fiican oo lagu daydo oo xataa dhaqankiisa horseeda in dadka ay Diinta Islaamka qaataan. Ilaasho dhaxalkaas, ku dadaal salaadaha waajibka ah ku dar sunada oo badi aqrinta qowlka Allaah waayo waa Allihii ku ahaysiiyay adiga oo jirin.
Kula noolow dadyowga kale meelkasta oo aad joogtid dareenkaaga iyo dhaqankaaga Diinta Islaamka . Tusaale aniga oo aan rabin inaan magaciisa sheega wiil oo aan hadlin qof markii hore gaal ahaa dhaqankiisa ku Islaamay, Subax walba ayada oo qabow darani jiro ayuu kacaa oo weyso qaataa deetana tukadaa, Gacmaha kor u taagaa oo Allahiis Baryaa ,Adkaarta subaxi Aqriyaa oo Deetana daraasadiisa aadaa asagana (qofkii gaalka ahaa) wuu iska jiifaa marka aay ka dhiman tahay class timeka 15 minutes ayuu kacaa oo uu si orad ah ku meyrtaa yimaadaa classka wiilkii oo fresh ah furfuran dhoola caddaynaya . Imtixaandana weli lagama horeynin oo darajada 1aad Allaah ku manaystay. Walaalka soo Islaamay ayaa weydiiyay dhaqankaan waxuuna u sheegay in ay Tahay waxa hagaya Diinta Islaamka ah sidaas ayuuna ku Islaamay Alxamdu LIllaah.
Walaal baddel dhaqankaaga oo baddel dhaqanka dadka kale xataa adiga oo aan hadlin noqo mid tusaale fiican u noqda Diinta islaamka Matala saxaabadii qeyrka badnaa taas ayaana maanta nalooga baahan yahay.
Waxaa arkaysaa maanta soomaalidii waxa aay u kala irdhowday dhammaan inta meel oo bini’aadan laga helo haddana waxa ay ku dhex milmeen dhaqamada xun xun intii aay ayaga wax baddeli lahaayeen. Gabdhihii baa iska qaawan wiilashi baa daroogada iska isticmaala, waqti ma xafidna oo dadki oo dhan waa na naceen oo waa usoo urnay runtii . walaal ogow dadkaas dhaqan doorsoomay anaga ayey na sugayaan oo howl badan baa inoo taala.
n Dareenka Dadka
Dadkaaga ayaa wax ku tahay haddii aad darajo gaarto ayaga ayaa ka dhalatay,sidaas daraadeed dhibtooda waa inay ku damqisaa oo markii aad aragto qof walaal soomaali ah ee dhibaysan oo aadan u calool gubyoon walaal dib isugu noqo oo sax shucuurtaada, xataa haddii aadan wax u qaban Karin ugu yaraan waa inaa u ducaysaa adiga oo niyad iyo qalbi kaa tahay oo la ilmaynaya. Tusaale walaal bal fiiri waxa dalka ka dhacayo, fiiri kuwii qaxay sida ay u yaalaan,fiiri kuwa mowjadaha badda ay liqeen,fiiri kuwa saxaraha ku qurbaxay,fiiri walaal kuwa maanta qaxootiga ku dhibaataysan yemen . “ habeen ayaa waxaan damcay si aan wax uga ogaado xaalka walaalahey soomaliga ah ee yeman ayaa waxaan furay youtubeka si aan uga baarto ka dib maxaa dhacay…………… waa ciilooday murugooday oo aan iska ooyay oo ku calaacalay maxaa u furtay oo kuu geeyay !.......waxaan arkay gabar soomaali ah oo haysata ilmo yar ,waxa ay kaga tagtaa guriga oo aay lugaha ka xirtaa si aysan u bixin ayadana waxa ay ku maqantahay rooti maalmeedkooda, Imagine bal malee haddii dhib ku yimaado carruurtaas yaa u maqan, sida haddii mas weyn usoo galo qolka, sida dab iska kaco oo aay gubtaan!!!.. aaaaaa waa uurku taalo baahsan oo aan cidi dareemayn. Kuwaas iyo kuwa ka badan ayaan ka arkay. Allaa Umaqan
Walaal dadkaas waa dadkeenii waxa ay sugayaana waa anaga, anagiina waxa aan ku mashquulsanahay nafteena oo kaliya , haddii aanan la imaanin xikmad lagu badbaadin karo dadkeena kuwa gudaha ku haray iyo kuwa dibada joogaba soo dabar go’ maaha walaal? Walaal ka fakir kii dhashay 90 kii maanta waa labaatan jir oo fowda ku dhex jira oo qoriga haysta oo wax laaya, kii reeerkiisu ay qaxeen ee yurub ku dhashay asagana dhaqan xumo ayaa maanta haysata wuxuu ka aradan yahay dhaqanka islaamka ( kuwa Alla dhowray waa jiraan waase yaryihiin)
Marka labadaas group ayaa la doonayaa in la badbaadiyo marka ma ila garowsatay in howsha noo taala aysan ahayn mid yar oo fudud. Waxaa lagu gaari karaa inteena wax baratay ee indheer garadka ah oo gacmaha is qabsada oo ka soo dhex dusa labadaas group.
n Dareenka dalka
Dalkaaga waa un dalkaaga si kasta aad uga dheeraato asaga uun baa usoo dhamaanaysaa dhalasho kasto qaado, dal aadan u dhalan dal kuuma noqdo,dhar aadan lahayna dhaxan kaama celiyo, maanta dalalka hormaray ee aan joogno waa inaan xikmada horumarka ka soo qaadano oo aan ku dhaqno dalkeena (haddii Diinta aysan ka hor imaanayn). Xikmadaha waa lakala qaataa oo midi wacan lagu dhaqmaa. Aan u joogno qurbaha anaga oo niyada ku hayno inaan berri laabanayno oo dhisan doono dalkeena, adeegsan doono aqoonta aan la nimid ,xirfadaha, kartida ,sabarka,waqti dhowrista . yaanan uun iska jooginee aan dadaalno oo wuxii wacan ku dayano aan qaadano hababka lagu hormaray ayada oo aay sal u tahay Diinteena Islaamka.
Maanta waa aragtaa sida uu yahay dalkeena, waxaa looga soo duulay meel walba waxa loo samaystay mashaariic badan (multiple projects) sida mashruuca argagaxisada-waxa aay ugu talagaleen in dalka lagu hanto oo qeyraadkiisa dahsoon ee bigrada ah ula soo baxaan waase ku fashilmeen mashruucaas. Waxaase xigay mashruuc kale oo ka Qatar badan kan kale oo aan aniga laf ahaantayda la yaaban sida looga adkaan lahaa waa mashruuca burcad badeedka, waa isla mashruuc isku bah ah oo isku ujeeddo ah kaasoo loogu talagalay in lagu xaalufiyo qeyraadkeena,suntana lagu aaso, waana aragnay mirahooda oo maanta xanuuno badan oo aan la aqoon ayaa soo if baxay.
Haddii aad tahay arday,shaqaale ,hooyo, ama aabe waa in aad waqtigaaga qeyb ka mid ah siisaa dhowrista saddexdaas dareen, aan u dhaqaaqno koox koox ama qof qof una adeegno danaha guud ee naga dhaxeeya, ha ahaado hal hayskeena “ DIFAACA SADDEXDAAS DAREEN” aan laabta ku haayno oo aan aamino awooda aan leenahay ee wax baddeli karta .
Gabagabadii haddii uu Allaah ku siiyay Carruur , ku dadaal in ay noqdaan kuwa loo aayo oo lagu diirsado , maanta adiga ayey kugu xiran tahay sida aad mustaqbalkooda u kalarayso,u qaabayso ,u qorshayso ,waxa aad gaarsiin kartaa martabad sare, hamigiisa kor u qaad oo xiiso geli dhagayso fikradihiisa oo dareenkiisa tixgeli,kala shaqee sidii uu u maamuli lahaa waqtigiisa, u samee barnaamij qaas ah oo ku noolaadaan adiga oo jaceyl dhab ah tusinaya, hadiyadaha ha iloobin iyo inaa marwalba oo aad aragto ka shumiso/dhunkato labada indhood dhexdooda siiba gabdhaha war hoooy gabdhaha war hooy gabdhaha. Rasuulkeena xabiibkeena Muxammad salallaahu calayhi wasalim, sida laga wariyay markuu arko gabadhiisa waa uu u istaagi jiray oo ka dhunkoon jiray labada indhood dhexdooda.
Carruurta waa ubaxa dalka,madaxdii mustaqbalka, askartii difaaci lahayd saddexdaas dareen haddii aanan maanta la qalabaynin waxa aay ku fashilmayaan nolosha sida kuwa maanta ay ugu fashilmeen nolosha.
Ha ahaadaan qoysaskeena kuwa degan,xasiloon is fahamsan oo noloshooda ay ku duulayso baalasha raxmada iyo is jacel,kalgacayl dhab ah,waqtigooda habaysan,aqalkooda agaasiman oo kii soo martiya lagu soo dhaweeyo dhoola cadayn dhab ah iyo wejiyo dhalaalaya.
Ugu celceli carruurta odhaahyadan macaan” Arday baan ahayoo arday baan ahayoo ubaxii waddankaan ahayoo waxaan u ordayaa u ordayaa dugsiyada u aadayaa inaan dalkayga daafacooo Allahayow ii gargaar Allahayow ii gargaar Aaamiin Aaamin.
Walaalayaal iga qaada balantaas inaa samaynaysaan oo aan kuwada noolaanayno isjaceyl dhab ah is ixtiraamid xataa haddii aanan is aqoonin ama aan isku diidanahay fikradaha. BALLAN SOO MAAHA, ALLOW ADAA SHAAHID AH
Allaah dartiis ayaa idiin jeclahay.
Walaalkiin
Fataah Cali
Email: [email protected]
|
Most Popular on Bartamaha |
|
Farah cruises home to 3,000m gold
Mo Farah sealed his first major track title after storming to 3,000m gold and win Britain's opening medal at the European Indoor Championships in Turin.
|
|
Voice, interrupted
Stra Tribune - He was happy, healthy, on top of the world. Then, on Jan. 27, as his flight from Minneapolis neared the East Coast, he suddenly felt weak. When the plane landed in Philadelphia, he got up to retrieve his bag in the overhead bin, and fell down.
|
|
|
|
Hussein Samatar: In America, Somalis find proud footing
Many of us from Somalia see ourselves as Americans first and then Somalis. I include myself, having been born and raised in Somalia but having never worked a single day there due the ongoing civil war. |
|
Teen Severely Injured in High School
Mohamud said the fight started with an unprovoked sucker punch. "I was going to my locker this guy called my name and when I turned around he punched my face," said Mohamud. Watch
|
|
|
|
|
|
|
|