Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo si diiran u soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Maamulka Gobolkaasi.
Bartamaha(B/Weyne):-Gudoomiyaha odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiran Xaaji Max’uud Axmed Xooshow Korontaale ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan Go’aanka Maamulka Deegaanka.
Nabadoon Korontaale ayaa tilmaamay in Waxgaradka Deegaanakada Hiiraan ay ku faraxsanyihiin Amarada ay soo saareen saraakiisha iyo Madaxda dhawaan la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Balad-Weyne.
Nabadoon Xaaji Maxamuud Amexd Xooshow ayaa sheegay in ay muhiim tahay ku dhaqanka shareecada Islaamka isagoo sheegay in xilli hore loo baahnaa in la xero goobaha ganacsiga xiliyada salaada iyo haweenka in ay xijaabka qaataan.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa dhawaan waxa uu shaaciyay in ay taageerayaan dhammaan ciddii shacabka reer Baladweyne ay ammaan ka helayaan kana helayaan wax an diinta wax u dhimaynin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments