Calendar

Nin Hooyadiis dilay oo shir saxaafadeed ka hadlay (VIDEO)

Emilio Eduardo da Rocha Deveza

Nin Brazili ah oo lagu magacaabo Emilio Eduardo da Rocha Deveza ayaa lagu soo eedeeyay inuu hooyadiis dilay laakiin naxdinta ugu darani waxay dhacday markii isagoo aanan rabin inuu waraysi bixiyo uu hal mar hadal dheer bilaabay. Mar uu wariyayaasha mid ka mid ahi weydiiyay maxaa hooyadaa ku dishay ayaa Emilio isagoo aad u xanaaqsan yiri “Taasi maahan shaqadaada, nacas yahoow”

Run ahaantii videogani waa kii ugu naxdinta badnaa ee aanu ku aragnay internetka waayo markaad aragto ninkan hooyadiis dilay sida uu u xanaaqsan yahay waxaa kugu soo dhacaysa haddii fiiris uu wax dilayo weriyayaasha meesha taagani mar horay dhiman lahaayeen.

Emilio Eduardo da Rocha Deveza ayaa sheegay sababta uu ku dilay hooyadiis Jardim Carmem ay tahay iyadoo ka isticmaashay Credit Card-kisa iyadoo aan  u sheegin Eduardo

Markaad daawanayso video-gan oo ah mid naxdin leh waxaan idinka codsanaynaa inaydan carruurtiina ka ag shidin hadday qolka ku jiraan (Taasi waa digniin).

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: