Naafada Ciidamada Xoogii Dalka Soomaaliya oo cabasho ka mujiyay Madaafiicda la isku dhaafsanayo Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Naafada Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed Ee haatan ku sugan Isbitaalka Martiini ayaa waxa ay si weyn uga cabanayaan madaafiicda xiliyadii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho lagu garaacayay.
Nafada ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatada ugu badan ay geysanayaan Madaafiicda ay tahay soo kordhinta tirade shacabka dagaalada ku naafoobaya iyadoo ay sabab u noqoto madaafiicda lagu garaco xaafado ka mida Muqdisho.
Mid ka mida Ciidamadii hore Ee Naafada dalka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo ku naafoobaya Madaafiicda isagoo tilmaamay in madaafiicda ay noqdeen xiligan kuwa ugu badan ee la adeegsado.
Naafada Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay haatan daganyihiin dhismihii hore Ee Isbitaalkii Martiine halkaasi oo la jaar ah Dakada Magaalada Muqdisho islamar’ahaantaana ay dhankooda saamayn ku yeelatay Madaafiicda waqtiyada qaar lagu garaacayo dakadda.
Madaafiicda caadada ka noqday in la isku dhaafsado Caasmimada Muqdisho ayaa waxa ay sababaan in dadka badan ay ku waayaan xubnahooda Muhiimka ah kuwaasi oo ku biira dadka ku taagwaayay dagaaladii soomaaliya ka bilowday 1990-kii ilaa haatana ka sii socda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments