Muwaadiniin Soomaali ah oo dacwad uga furan tay maanta maxkamada sare ee Kenya
Sida ay waramayaan wararka Aanu ka heleyno wadanka Kenya Maanta ayaa lagu wadaa in Maxkamadda sare ee dalkaasi ay dhageysato dacwad ay hor-dhigeen dadka qaxootiga ah ee ku ganacsada magaalada Nairobi ee haysta waraaqaha aqoonsiga qaxootinnimo ee ay bixisay dowladda Kenya, kuwaas oo ay Ciidamada amaanka Dalkaasi Tacadiyo u Geesteen Iyagoo Aan Xurmeyn Waraaqaha Dowladu Bixisay
Maxkamada ayaa lagu wadaa in ay dhageysato Dacwada ay u Gudbiyeen Mawaadiniintaan Soomaaliyeed waxaana Goobta Maxkamada ku sugan Dadkii Dacwada Gudbiyay iyo saraakiisha Booliska Nairobi oo dacwada laga Gudbiyay waxaa kaloo tagaya Maxkamada mas,uuliyiinta hormuudka u ah Somalida Islii Go.aan ayaana la filayaa in maxkamadu ka gaari Doonto .
Xuseen Aar oo Gudoomiye u ah Gudi ka dhisan Xaafada Islii Ee Somalidu ka Degto Magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in bishan May Horaanteedii ay dacwadda u gudbiyeen maxkamadda sare, ayna amar ku bixisay in dadkaas ay joogi karaan magaalooyinka Kenya inta go’aan kama dambeys ah laga gaarayo Arintooda
waxa hada la dhageysanayo ayaana ah Xadgudubka Ciidanku ku sameeyeen Mawaadiniintaas.
Mas,uuliyiinta Somalida Islii ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ku rajo weyn yihiin in Maxkamadu Go.aamiso in Dadka haysta Aqoonsiga Alien-ka ee ay dowladdu siisay sanadkii 2006 ay heli doonaan xuquuqdooda, kaddibna ay u doodi doonaan kuwa kale ee dib ka qaatay kaararkaas iyagoo Aan wax cabsi ah qabina ay Xoriyad ugu noolaan doonaan dalkaas.
Comments
comments