Midowga Yurub oo tababaro u furaya Ciidamada Dowlada KMG ah dalka Ugandha .

Posted on Nov 12 2009 - 9:21am by News Desk
Tweet
Pin It

euBartamaha(Muqdisho):-Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaadayin dhawaan samaynayaan tababar loo fidinayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhici doona Dalka Ugandha.

Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha Midowga Yurub ayaa waxa ay yeelanayaan kulan Xasaasi ah oo si rasmi ah loogu garab istaagayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo tababar la siinayo.

Afhayeen u hadlay EU-da ayaa sheegay in dhawaan tababar loo furayo Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo ay saacidayaan Midowga Yurub si loo dhiso awooda Xagga Ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Yurub ay u tababarayaan Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay imaanaysaa Xilli dhawaan tababar loo soo afmeeray Ciidamo Dowlada ka socday oo Jabuuti lagu carbiyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.