da Bartamaha(Muqdisho):-Kulan ay ku yeesheen wadanka Luxemburg wasiirada Arimaha Dibada wadamada reer Yurub ayaa la sheegay in ay uga wadatashanayeen qaabka howlaha ay ka hayaan Xeebaha wadanka Soomaaliya.
Kulank ay wadamadaasi yeesheen ayaa la xaqiijiyay in ay isla meel dhigeen in la kordhiyo waqtiga howsha ay ugu magacdareen Atlanta taasi oo ay maraakiibtooda dagaalka ka wadaan xeebaha wadanka soomaaliya si lkooga taqaluso waxa caalamka ay u yaqaanaan Burcad badeeda soomaaliya.
Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Midowga Yurub ayaa isla meel dhigay in la kordhiyo waqtiga holwgalkaasi oo dhamaanayay Bisha December ee soo socota iyadoo ay wadamadaasi ku kordhiyeen howlgalka in uu socdo tan bisha Juun ee sanada 2010.
Dowladaha ku mideysan magaca EU ayaa horay u waday holgalo ay ka qeybqaadanayeen ilaa 13-markan oo nuuca dagaalka kuwaasi oo ay kaabayeen Diyuuradaha dagaalka oo inta badan baacsanayay kooxaha Burcad bdeeda soomaaliya wallow ilaa haatan aanay ka guuleysan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Â