Sheekh Max’ed Nuur Ismaaciil oo kamid ah Qaadiyada Sare ee Maxkamadda Garsoorka Magaaladan Kismaayo ayaa Maantay shir Jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga warbixiyay Howlaha Shaqo ee Maxkmadda Garsoorka Magaaladan Kismaayo.
Â
Qaadiga waxa uu sheegay in ay jiraan kiisas aad u tiro badan kuwaasi oo ay kala Xukmiso Maxkamadda Garsoorka Magaalada Kismaayo.
Kiisaska ugu badan ee Maxkamaddu ay qaado ayaa waxaa kamid ah
Kiisaska la xiriira Dhiiga lakala galo iyo Arimaha Qoyska.
Â
Sidoo kale Qaadiga waxa uu ka hadlay Kiisaska la xiriira Arimaha dhulalka kuwaasi oo horay loo iclaamshay in dib loo dhigay, haseyeeshee Qaadiga uu sheegay in dhawaan hadii dhanka Maamulka ay ka suurto gasho dib loo furi doono Kiisaska Amuurtaasi la xiriira.
Â
Sikastaba ha ahaatee Hadalkan qaadiga Maxkamadda ayaa wuxuu ku soo beegmaya Xilli todobaad ka hor la xukumay Dhiig wiil dhalinyaro ah oo koronto ay ku dishay Magaalada Kismaayo halkaasi oo loo xukumay aabaha dhalay wiilkaasi ilaa 100 halaad oo geel ah taasi oo lagu xukumay Shirkadii Korontada ee uu wiilkaasi ku dhintay.
 Kala soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia