Max’med Cumar Dalxa Gudoomiye K/xigeenka Baarlamanka ayaa loo diiday in uu ka qayb qaato soo dhawayntii shalay Nairobi loogu sameeyay Madaxweyne Shariif.

Posted on Aug 6 2009 - 5:46am by News Desk
Tweet
Pin It

prof-dalxa1Safaaradda Somalida Kenya iyo saraakiil katirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa fal bah dil ah kula dhaqaaqay Mas’uul katirsan Baarlamanka.

Max’med Cumar Dalxa Gudoomiye K/xigeenka Baarlamanka ayaa loo diiday in uu ka qayb qaato soo dhawayntii shalay Nairobi loogu sameeyay Madaxweyne Shariif.

Safaaradda Somalida Kenya iyo xafiiska Madaxweynaha ayaa Booliska Kenya ka dalbay in Dalxa uusan soo gelin garoonka diyuuradaha taas oo dhaqan gashay.

Prof. Dalxa ayaa arrinkaas ka hadlay ” Wiilal Qabyaaladu kala weyntahay qaranimada oo xafiiska Madaxweynaha katirsan ayaa noo diiday in aan madaxweynaha soo dhawayno laakin waa la xisaabtamaynaa” ayuu yiri Dalxa.

Tacadigan lagula kacay Dalxa ayaa la sheegay in uu ku salaysan yahay arrimaha Somalia lajira maadaama ay dowlada looga adkaaday dagaalada ayay danaynaysaa beelaha Hubaysan Prof, Dalxana uusan kasoo jeedin Beel hubaysan

Source: Markacadey