Masuuliyiinta ururka Xisbu Islaam ee Gedo oo shaaca ka qaaday in ay u diyaargaroobeen Dagaal ay kaga hortagayaan kooxaha duulaanka ku soo ah Gobolkaasi.

Posted on Jun 14 2009 - 8:28am by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha1Bartamaha(Muqdisho):-Maxamed Ibraahim Indho-buur oo ah Madaxa Ammaanka ururka Xisbu-Islaam gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay isku diyaariyeen dagaal ay la galaan maleeshyiyaad lagu soo diyaariyay dalka Itoobiya.

Masuulkan u hadlay kooxda Xizbul Islaam gobolka Ee Goblka Gedo ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo maleeshiyaad ay itoobiya wadato kuwaasi oo uu sheegay in loo soo carbiyay la dagaalanka Maamulada Islaamiga ah isagoo sheegay in ay dhankoda u diyaaryihiin wax alla wixii ay la yimaadaan.

Maxamed Ibraahim Indha-Buur ayaa wacad ku maray in ay jabin doonaan kooxahaasi dagaalada Gobolka Nabada ah ku soo ah isagoo ku eedeeyay Itoobiya in ay caadaysatay la dagaalanka Mujaahidiinta islamar’ahaantaana ay ka warhayaan Maleeshiyaadka in ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Masuulkaasi ka midka ah kooxda Xizbul Islaam ayaa ku baaqay in dhamaan kooxaha Mujaahidiinta ah sida uu sheegay ay isku diyaariyaan dagaal lagu difaacayo dalka soomaaliya oo xiligan uu sheegay in Ethopia ay duulaan ku soo tahay.

Hadalka masuulkani ayaa imaanaya xilli dhawaanahan Masuuliyiinta maamulkii gobolada Gedo iyo Jubooyinka ay sheegayeen in ay isku diyaariyeen duulaan ay kula wareegayaan deegaanadii horey looga qabsaday Ee Goboladaasi Gedo iyo Jubooyinka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.