Bartamaha(Muqdisho):-Xubno ka tirsan baarlamanka Dowlada Fd Soomaaliya ee dhawaan gaaray Magaalada Balad Weyne ayaa waxa ay si kulu u beeniyeen in uu meesha ka baxay maamulkii Maxkamadaha Islaamiga Ee Dowlada Fd Soomaaliya taageersanaa.
Maxamed Dhaqane Cimi Aar oo ah gudoonka wafdiga Baarlamanka dowlada Soomaaliya ka mida Ee dhawaanahanba ku sugnaa Magaalada B/Weyne ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan xubno iskood isaga baxay maamulkii Gobolkaasi ka ariminayay Ee dhanka Maxkamadaha isagoo si kulul u beeniyay in ay iyaga bur-buriyeen nidaamkaasi.
Xildhibaan Dhaqane ayaa sheegay in ilaa haatan uu maamulkaasi uu ka shaqeeyo magaalada B/Weyne balse ay jiraan xubna kooban oo ujeedooyin lahaa kuwaasi oo isaga tagay Magaaladaasi kuna biray kooxaha Islaamiga ah oo ay horeyba si hoose ula shaqeynayeen.
Xildhibaanka ayaa waxa uu si kulul u beeniyay in ay jiraan askar Itoobiyaan ah oo iyaga gacan siinaya balse ay xilli hore mar soo galeen qeyba ka mida dhulka soomaaliya isla mar’ahaantaana ay soo baacsaden Ciidamada Kooxda ONLF taasi oo dagaal kala dhexeeyo Itoobiya .
Masuulkaasi ayaa hadalkiisa ku sheegay in aanay dhankooda wax war ah ka haynin askar Itoobiyaan ah oo soo gashay dalka Soomaaliya taasi oo uu ku sheegay in ay mar-marsiiyo ka dhiganayeen Saraakiishii isaga baxday Maamulka Gobolka Hiiraan kuwaasi oo uu sheegay in xilli waliba ay baahiyaan warar been abuur ah.
Hadalka Masuulkaasi ka mida Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli inta b adan madaxdii maxkamadaha Gobolkaasi ay iska casileen jagooyinkii ay ka hayeen maamulka Gobolkaasi qaarkoodna ay ku biireen Islaamiyiinta Mucaaradka Ee ku sugan Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.