Bartamaha(Muqdisho):-Markab nooca Gujiska oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ayaa maanta bad’baadiyay ku dhawaad 50-tahriibayaal Soomaaliyeed ah kuwaasi oo muudo Todobad ah dul sabaynayay Biyaha Gacanka Cadmeed.
Dadkan tahriibayaasha ah ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waxa ay dul sabaynayeen xeebaha u dhexeeya wadamada Soomaaliya Jabuuti ilaa Yaman halkaasi oo ay kaga dhuntay jihadii ay u socdeen taasi oo ahayd wadanka Yaman.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Badda Wadanka Maraykanka ayaa sheegay in ay ku guuleesteen u gargaarida dadkaasi halista nololeed ku jiray kuwaasi oo middo Todobaad ku dhow ku dhexjiray biya aanay dhankoda aqoonin ka dib markii ay jihadii ka dhuntay.
Ciidamada Maraykanka ayaa markabkaan u diray ka dib markii ay diyuurad ka duushay Markabka dagaalka ee Maraykanka ay aragtay Doonida siday tahriibayaasha taasi oo halis ugu jirtay in ay quusto.
Â
Â
Â
Inta badan Tahriibayaasha Soomaalida ah qaarkood ayaa la kulma dhibaatooyin kala gadisan oo ay ugu weyntahay in ay ku geeriyoodaan Badda gudaheeda markii ay waayaan jihada ay ka xegto wadanka ay ku sii jeedaan iyadoo dhawaan ay geeriyoodeen ku dhawaad 24-ruux oo soomaali ah ka dib markii ay la quustay duuni ay saarnaayeen Xeebaha Wadanka Yaman.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.