Malayshiya waa aasiyada dhabta ah!
Malayshiya oo ay caalamku isku raacen iney tahay aasiyada dhabta ah ayaa hadana juquraafi ahaan marka loo fiiriyo waxey dhacdaa koonfur bari ee qaarada aasiya, bedkeda waxaa lagu qiyaasey 320,000 km2 dadkeeduna qiyaastiii ugu danbeysey ee la sameeyey sanadii 2009 waxey noqdeen 28,milyan wadanka waxaa loogu hadlaa luuqada Malayga waxaa soo xigta afka shiinaha, Tamil. hindi iyo luuqada englishka.
Malayshiya waxaa ku nool 3 qowmiyadood oo kala ah Malay oo ah dadka wadanka u dhashay Chinese, iyo hindi oo xiligii gumeystaha uu wadanka heystey ku soo beerey, qiyaas la sameeyey waxey gaarayaan isku cel celis ahaan Malay 54% Chinese 25% Indian 7.5% iyo kuwa kale ayagana gaaraya ilaa 1.7% .
Diimaha wadanka laga aaminsan yahay waxey kala yihiin Diinta islaamka oo ah tan ugu badan oo 70% ay dadkeeda yihiin islaam halka Buddhism in Malaysia, Christianity in Malaysia, Hinduism in Malaysia, and Sikhism In Malaysia ay soo wehliyaan.
Xuriyada waxey qaateen 31 Augosto 1957 xiligaasi oo ay ka xuroobeen dowlada ingriiska
Caasimada wadanka waa Kuala Lumpur waana meesha ugu dadka badan isla markaana ah rugta ganacsiga ee dalka malayshiya halka Putrujaya ay tahay meesha uu fariisto raisula wasaraha iminka talada wadanka haya Najib Tun Razak iyo xafiisyada dowlada.
Ilaha dhaqaale ee wadanka ku taagan yahay waxaa ka mid ah beeraha macaadinta iyo iyo qeyba kale, wadanka Malaysia waa wadanka ugu soo saaritaanka badan saliida isla markaasina ay dibada u iib geeyaan nooca lagu magacaabo palm oil, waxaa soo wehliya shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, dalxiiska ayaa qeyb ka ah wadanka meelaha uu dhaqalaha ka soo galo ayadoo bilaha june iyo july oo wadanku dhan yahay mid aad u mashquul badan
Inta u dhaxeysey 1980 ilaa 1990 ayaa Wadanka malayshiya ka soo kabsaday dhaqaale ahaan waxeyna ku tiirsanayeen beeraha iyo warshadaha waxaana sabab u ahaa raisul wasaarihii hore Mahathir bin Mohamad, raisul wasaarihii hore waxyabaha uu wadanka ku soo kordhiyey waxaa ka mid ah oo caalamkana caan ka noqotey dabaqyada mataanaha oo lagu magacaabo Petronas twin tower oo ay noqdeen dabaqyada mataanaha ugu dheer caalamka
wadanka inta badan waxaa ka da’ roobab waana wadan aad u kulul waxaana ku hareereysan buuro waxaa kale uu leeyahay bad.
Malayshiya waa wadan aad ugu fiican dhanka waxbarasha oo soomaali iyo ajaanib kaleba ay waxabarasho u soo doontaan , waxaana ku yaala jaamacada aad u fara badan iyo kolejyo, jaamacadaha ugu caansan waxaa ka mid ah UUM, UIA,INSANIYA,UM iyo kuwa kale, kolejyadana waxaa ka mid ah RIMA Collaege oo ah kolejka kaliya sida aadka ah somalida u soo dhaweeya isla markaana ardeyda u soo saara fiisaha dal ku galka ah iyo waxbarashada, waxa kale uu u fududeeyaa ardeyda soomaaliyeed helitaanka jaamacadaha ayagoo ka saacida sidii ay ku xareysan lahaayeen jaamacadaha.
Soomaali aad u fara badan ayaa ku nool wadanka malayshiya qiyaasta la sameeyey waxey gaarayaan ilaa 3000 ayadoo marba marka ka sii danbeysana ay sii kordheyso, xaafadaha ay soomaalida degan yihiin waxaan ka mid ah Bujoon, Idman Surta, Melati impiyan iyo Teman Melati ah halka ay ku yaalaan xawaaladaha soomaalida lacagaha loogu soo diro, dadka soomaaliyeed ee ku nool wadankan malayshiya waa kuwa wax barta oo ay jaamacada iyo kolejyo dhigta marka laga reebo kuwa yar oo halkaan qaxooti ku ah ayna qaabishey hayada qaxootiga UNHCR-t u qaabilsan arimaha qaxootiga.
Malayshiya ayaa ah wadanka kaliya sida aadka ah looga qiimeyo Baasaboorka iyo leysanka soomaliga ah ayadoo aan wax dhibaato ah lagala kulmeynin ciidanka amniga ama askarta, waxaad arkeysaa soomaali badan oo wata gawaari ayagoo heysta leysanka soomaaliga, laakin soomaaliya kuma lahan safaarada Malayshiya waxaana uga soo dhaw wadanka indonosia, hadii uu baasaboor kaa luma ama kaa dhaco dhib ayey ku noqoneysaa qofka soomaaliga ah inuu helo xuquuqda uu uga baahnaa safaarad taaso ay safaaradana shaqadeda tahay iney kaafiso waxyaabaha uu baahan yahay qofka muwaadinka ee aan joogin dalkiisa hadii uu ahaan lahaa ardey ama shakhsi kale.
laakin soomaalida ku nool wadankaan gaar ahaan ardeyda ayaa sanad waliba waxey doortaan hogaan kaaso shaqadiisa tahay inuu la socdo dhaq dhaqaaqa ardeyda iyo qabashada munaasabadaha ay dadka soomaaliyeed leeyihiin sida ciidaha iyo munaasabadaha kale, kaliya ardeyda wax kuma bartaan caasimada ee waxaa kalo ay ku firdhisan yihiin jamaacadaha ku yaala gobolada dalka.
Isku soo wada duuboo Malayshiya waa wadan amaan ah oo aad u horumaray isla markaana dadkiisu yihiin kuwa aan dhib badneyd jecelna islaamka laakin waxyaabaha la yaabka le ay soomaalida u yaqaanaan dadka wadankaan ku nool ayaa waxa ay tahay Malay oo ah dadka wadanka u dhashay oo ay u yaqaanaan Kalluun Chinese oo ay u yaqanan indha yar iyo Hindida oo ay u yaqaanaan tima jilac ama atoorihii caanka ahaa ay soomaalida u taqaaney Cali Dheere, cuntada ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin dadka reer malayshiya ayaa ah bariis cad oo ay ku cunayaan digaag lows iyo kaluun yar yar oo mar waliba aad heleyso markad aad tagto maqayadaha dadka reer malayshiya waa kuwa aad u jecel cuntada xiliyada cuntada marka la joogo waxaad ka dareemeysaa zaxmad wadooyinka oo dhan iyo goobaha shaqada oo ay noqonayaan meelo firaaqo qofka malayga ah lagama yaabo inuu kuu shaqeyo xiliga cuntada waxa uuna jawaab kaaga dhigayaa waa lunch time!!!.
Salamat Detang oo macnaheeda yahay welcome waa halku dhiga lagu soo galo wadanka loogana Terima Kasih oo ah thanks ama mahadsanid.
Said Omar Baffo
E-mail: [email protected]
Kaula lumpur, Malaysia
Comments
comments