Magaalada Beledweyn oo bandow Duhurnimadii lagu soo rogay
Ciidanka Dowlada ayaa maanta duhurnimadii Bandow saaray Degmada B/weyne taasi oo ka dambaysay markii ay maanta soogaareen xubno ka tirsan dowlad KMG.
Â
Inta xubnaha wafdiga aysan soogaarin Magaalada gudaheeda ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay howlaha Ammaanka wadada isku xirta Garoonka iyo Magaalada oo ladhiagay ciidan aad ubadan kuwaasi oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waxaana albaabada loolaabay goobaha ganacsi kala duwan.
Â
Inkastoo aysan caday ulajeedka dhabta ah ee ay xildhibaanadan iyo Saraakiisha Dowlada ay uyimaadeen gobolka iyadoo tirada ay ka kooban yihiin iigu xaqiijiyay gudoomiyaha Maamulka G/hiiraan ilaa 3xubnood.
Â
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xubnaha wafdiagan ay uyimaadeen ay tahay sidii ay u sii wadi lahaayeen booskii uu ka geeriyooday Cumar Xaashi oo ismiidaamin lagu dilay Baladweyne.
Â
Wafdigana ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo laqaataan Maamulka,Odoyaasha,iyo waxgaradka si ay ugu dhaadhiciyaan arimaha safarkooda iyo waxa uu la xiriiro.
Ibrahim Muxumad
Bartamaha wrarka Soomaaliyeed – www.BARTAMAHA.COM
Â
Comments
comments