Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Fd  Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay xilli danbe waxa ay ka dageen Garoonka Magaalada Kampala Ee dalka Ugandha iyadoo ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan dowlada Ogandha .
Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa in ay u dhaadhaceen hotel ku yaala Magaalada Kampala halkaasi oo lagu casuumay in ay sii dagaan inta ay jogaan dalkaasi iyadoo uu wafdigaasi horkacayay madaxweyne shariif.
Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu kulan albaabada u xernaayeen uu kula qaatay Xarunta Madaxtooyada dalka Ugandha dhigiisa dalka Ugandha yuweri Mosaveni iyadoo la sheegay in kulankaasi uu ahaa midkii ugu waqtiga dheeraa oo ay labada masuul ku yeeshaan dalka Ugandha.
Kulanka ay labada masuul yeesheen oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay magaalada Kampala ayaa warar hordhac ah oo laga helayo kulankaasi ay sheegayaa in ay ka wada hadleen arimaha ammaanka dalka soomaaliya iyo dhacdooyin hoose oo sabab ka dhigay in xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidamada Amsiom iyo arima kale.
Madaxweyne shariif ayaa la tilmaamayaa in uu dhiggiisa dalka Ugandha uka codsaday in uu u soo diro soomaaliya Ciidamo horleh oo kuwa dowlada Ugandha ah si ay u badbaadiyaan Dowlada Fd Soomaaliya oo xiligan awoodeeda ay sii daciifayso.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.