Madxa Hay’adda WFL Ee Magaalada Marka oo xalay hoygiisa la weeraray iyo qasaara ka dhashay weerarkaasi.

Posted on Jul 8 2009 - 5:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

WFL somaliaBartamaha(Muqdisho):-Kooxo dabley ah oo aan bartooda la aqoonsan ayaa xalay waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen hoyga uu magaalada Marka ka daganyahay Sargaalka ugu sareeya Hay’adda WFL Somalia.

Weerarka xalay oo ahaa mid aad u qorsheysnaa ayaa la xaqiijiyay in ay kooxaha Hubaysan ay ka so galeen hoyga wadooyin kala duwan isla mar’kaasina ay bilaabeen rasaas culus o ay la dhacayeen hoygaasi.

Muddo ka dib ilaalada masuulka daganaa dhismaha la weeraray ayaa bilaabay iska cabin aad u balaaran waxaana goobtaasi ka dhacday tacshiirad culus oo magaalada inteeda badan laga maqlay taasi oo shaki ku abuurtay dadka Deegaanadaasi.

Rasaasta ayaa sababtay Geerida 1-ruux halka ay kaga dhaawacmeen ilaa 2-kale oo midkood ahaa raggii weerarka soo qaaday wallow halkaasi ay iyaga kala carareen isla markaasina ay rasaastii joogsatay.

Ma jirin wax faah-faahin ah oo uu bixiyay Madaxada Hay’adda WFL Ee Magaalada Marka Xasan Mustafa oo xiligaasi ku sugnaa gudaha guriga lagu weeraray iyadoo la sheegay in ruuxa ku geeriyooday dagaalka uu ahaa ilaalada Guriga kooxaha aan la aqoonsan ay weeraren.

Weerarkan lagu qaaday sargaalkaasi madaxda ka ah hay’adda samafalka ayaa waxa uu qeyb ka yahay weerarada lagu hayo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay dhinac waliba iska faogeeyeen masuuliyadda dilalka lagula dhaqaaqo.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.