Calendar

Madaxweyne Shiikh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminay oo u duulay dalka Ethiopia

Muqdisho (www.Bartamaha.com):-Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta barqadii waxa ay ka duleen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda muqdisho iyagoo ku siijeeda magaaladda Adis Ababa ee dalka Ethiopia halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka 17-aad hogaamiyaasha midowga Afrika.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdullaahi Goodax Bare , Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska Marwo Maryan Aweyn Jaamac iyo xubno kale, ayadoo magaalada Adiss Ababa uu uga sii horreeyo wasiirka arrimaha dibadda ee DKMG ahMaxamed Ibraahin.
Qiyaastii 12.4 Milayn oo qof ayaa u baahan gargaar la siiyo dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, raashin yarida ka jirta geeska Afrikana waxaa ka mid ah Macluul la caddeeyay in ay ka jirto 5 gobol oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya sida ay sheegtay Antooniyo Guteres oo ah madaxa hay’adda UNHCR.
Shirkan ayaa dadka ka qayb galaya waxa ka mid ah wiil 11-sano jir ah oo u dhashay dalka Ghana kaa oo ugu deeqay abaaraha Soomaaliya 20-Million oo dollar, ka dib barkii uu arkay dad ku dhibaateesan Soomaaliya.

W/D:Xafiiska Wararka Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: